Allbanaadir.com
NEWS

Dagaalka Suuriya ka qarxay iyo danaha iska soo horjeeda ee dagaallamaya

Woqooyiga Suuriya ayaa dib ugu soo laabtay fagaaraha kaddib markii isbahaysiga mucaaradka ah ee ay hoggaaminayaan kooxda Hayat Tahir al-Sham (HTS) ay billaabeen duullaan xooggan oo ay si lama filan ah Arbacadii ugu qaadeen saldhigyada iyo deegaannada ay ku suganyihiin ciidanka Suuriya ee ka amar-qaata Bashaar Al-Assad,xarumaha ururka Xisbullah iyo kooxaha shiicada ee taageerra maamulka Assad.

Duullaanka dhaqdhaqaaqa mucaaradka Suuriya, waxay ku gaareen inay si dhaqso ah u qabsadaan aag-gaarsiisan in ka badan 100 km oo isugu jira ugu yaraan 13 magaalo iyo 18 tuullo oo ay ku jiraan goobo istiraatiji ah iyo saldhigga 46-aad ee ciidanka Suuriya. Hadda waxa ay galeen qeybo kamid ah  magaalada Xalab.

𝗠𝗮𝘅𝗮𝗮 𝘄𝗮𝗾𝘁𝗶𝗴𝗮𝗻 𝗸𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗮𝗮𝗱𝗶𝘆𝗮𝘆 𝗱𝗮𝗴𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮𝗻?

Waa duullaankii u horreyay oo dhaqdhaqaaqyada mucaaradka ay ka billaabayaan gudaha Suuriya, iyagoo ku macneeyay ujeeddada ay duullaankan u billaabeen inay la xiriirto iskudayga ciidanka Suuriya iyo Xisbullah ay ku doonayaan inay si khasab ah ugu masaafuriyaan dhinaca Turkiga , dadka rayidka ah ee sunniyiinta ku sugan deegaannada ay maamullaan, waxayna howlgalkooda ugu magac darreen ‘ka hortagga gardarrada’, waxaana si dhaqso ah duullaankan lagu tilmaamay dagaalkii ugu ballaarnaa ee ka dhacaya Suuriya tan iyo bishii Maarso ee sannadkii 2020, muddadaa oo ay jirtay farsamo ahaan xabbad-joojin.

Marka laga soo tago sheegashada mucaaradka ee ka hortagga barakacinta rayidka ee ay ku eedeyeen ciidanka Suuriya , duullaanka ayaa ku soo aadaya xilli isbeddello ay ka dhacayaan gobolka bariga dhexe, kuwaasoo saameyn ku leh Suuriya. Dagaalka ay hadda billaabeen mucaaradka ayaa lagu arkay isbeddello iyo awoodda ay kooxahan u leeyihiin dagaal ay waqti dheer la geli karaan ciidanka Suuriya iyo kooxaha taageerrada Assad ee Shiicada oo ay ugu xooggantahay kooxda Xisbullah. Waxa aan horey kooxaha mucaaradka loogu arag ayaa ah adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee casriga ah iyo kuwa lagu xiro bambooyinka qarxa ee lagu burburiyo goobaha difaaca ciidammada iyo gaadiidka dagaalka, iyadoo muuqaallo ay soo bandhigeen dhaqdhaqaaqa lagu arkay diyaaradaha is qarxiya ee aan duuliyaha lahayn oo lagu qarxinayo taangiyada ciidanka Suuriya iyo saldhigyadooda.

Baraha taageerra ciidanka Ruushka ayaa dhankooda  billaabay inay baahiyaan muuqaallo la xiriira dagaalyahannada mucaaraadka Suuriya oo ay ku sheegeen in muddooyinkii u dambeeyay ay tababbarayeen saraakiil ka socda ciidanka Ukriane, waxayna soo qaadanayeen astaamaha lagu arkay ciidanka mucaaradka oo muujinayay inay qaadanayaan tababar la mid ah ciidanka Ukraine, sidoo kale diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee casriga ah iyo kuwa is-qarxiya oo awoodda inay burburiyaan gaadiidka ciidanka iyo goobaha difaaca inay yihiin kuwa ka yimid Ukraine oo ay ku eedeynayaan inay hubeeyeen mucaaradka Suuriya. Adeegsiga diyaaradahan ayaa ka dhigaya mucaaraadka Suuriya, kooxihii u horreeyay ee sunniyiin ah oo adeegsanaya noocyo casri ah oo diyaaraddo nooca aan duuliyaha lahayn.

Inta uu socday duullaanka 24 saac ee u dambeysay, kooxaha mucaaraadka waxay awoodeen inay qabsadaan tiro taangiyada uu Ruushka ku qalabeeyay ciidanka Suuriya iyo gaadiid kale oo gaashaaman, halka diyaaradaha dagaalka Ruushka ay duqeymo ka billaabeen inay ka geystaan baadiyaha Xalab ee waqooyiga Suuriya si ay isugu dayaan inay joojiyaan horumarka ay dagaalka ka gaarayaan mucaaradka Suuriya.

𝗠𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗨𝗸𝗿𝗮𝗶𝗻𝗲 𝘂 𝘁𝗮𝗮𝗴𝗲𝗲𝗿𝗿𝗮𝘆𝘀𝗮 𝗺𝘂𝗰𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗦𝘂𝘂𝗿𝗶𝘆𝗮?

𝗜𝘀𝗿𝗮𝗮’𝗶𝗶𝗹 𝗱𝗼𝗼𝗿 𝗺𝗮 𝗸𝘂 𝗹𝗲𝗲𝗱𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗱𝗮𝗴𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮𝗻?

𝗧𝘂𝗿𝗸𝗶𝗴𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗠𝗮𝗿𝗲𝘆𝗸𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗮𝗴𝘂 𝘅𝗮𝗴𝗴𝗲𝗲 𝗸𝗮 𝗷𝗼𝗼𝗴𝗮𝗮𝗻 𝗱𝗮𝗴𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮𝗻?

Suuriya, tan iyo markii kacdoonkii ay hoggaaminayeen sunniyiinta dalkaa ee qeybta ka ahaa ololihii dalalka Carabta wada gaaray ee ‘kacdoonkii guga Carabta’, waxay dhexda u gashay colaad sokeeye, taa oo ku soo jiiday inay udub-dhexeed u noqoto colaadda gobolka bariga dhexe, balse dagaallada hadda dib looga arkayo Suuriya ayaa ku duwan kacdonkii dalkaa ka dhacay sannadkii 2011 ee lagu raadinayay isbeddel ka dhaca Suuriya iyo in meesha laga saaro maamulka Bashaar Al-Assad, isbeddelka waa in waqtigan ay jiraan dano is-diiddan oo isku dhax arkaya gudaha Suuriya.

Ukriane ayaa lagu warramaya inay wax walba ku bixinayso taageerrada mucaaraadka Suuriya si ay duullaan ugu qaadaan saldhigyada ciidanka Suuriya ee uu taageerro Ruushka, ujeeddada waxaa lagu sheegay inay Ukriane ka doonayso mucaaradka Suuriya dagaalyahanno qeyb ka noqda dagaalka ka socda gudaha Ukraine, midda xigta waa in Kyiv ay doonayso in sare loo qaado cadaadiska dibadda ay kala kulmayaan ciidanka Ruushka, goobta ugu muhiimsan ee lagu mashquulin karo Ruushka, waxay u arkaysa Ukraine inay tahay Suuriya, halkaa oo ay ku yaalaan saldhigyada ugu muhiimsan ee Ruushka ku leeyahay bariga dhexe, si ay mucaaradka u fuliyaan danaha Ukraine , waxay ku beddelanayaan xoojinta awoodooda dagaal oo ay ku jiraan tababbarada iyo horumarinta nidaamkooda gantaallada iyo diyaaradaha oo aysan horey u heysan kooxaha mucaaradka Suuriya, tani oo ay u arkaan fursad ay uga aargoosan karaan nidaamka Assad iyo kooxaha Iran taageerto ee Xisbullah ay ugu xooggan-tahay.

Kooxaha mucaaradka Suuriya oo ka dhashay xasuuq iyo cadaadis ay kala kulmeen nidaamka Assad oo ay taageerrayaan Ruushka iyo Iran , ayaa muddadii uu socday dagaalka Suuriya waxaa ay la kulmeen isir-sifeyn iyo xasuuq darran, waana halkan goobta aad ku arkaysid wajiga-wasakheysan ee Xisbullah oo guutooyinkeeda hubaysan ee Radwan ay ka geysteen waqooyiga Suuriya dagaal ay ku burburiyeen nolasha bulshada sunniga ah ee Suuriya, taa oo ay ka dhalay inay wada gaarto geerida, malaayiina ay si khasab ah uga baracakeen dhulkooda, iyadoo Ruushka uu ku caawinayay duqeymo culus oo la mid ah waxa aan ka arkeyno marinka Qasa ee lagu xasuuqayo carruurta iyo haweenka, si la mid ah Israa’iil, wuxuu adeegsaday nidaamka Assad nooc kasta oo bambooyinka iyo hub laga mamnuucay rayidka oo ay ku jiraan kiimikooyinka la diidday in lagu weerarro rayidka, taa oo dhalisay xasuuqa aan horey loo arag ee bulshada sunniyiinta Suuriya.

Hadda waxay isku dayayaan mucaaradka Suuriya in nooc kasta oo xulafo ah ay sameystaan si ay isugu dayaan inay dib u helaan dhulkooda iyo aargoosi la xiriira xasuuqa ay la kulmeen inta uu socday dagaalkii Suuriya.Ka hor duullaanka mucaaraadka Suuriya ee shalay bilowday, waxaa la arkay inay diyaaradaha Israa’iil duqeymo joogto ah ka geysteen inta badan saldhigyada ciidanka Suuriya, Xisbullah iyo kooxaha taageerra nidaamka Assad, tan oo dhalisay in wax la iska waydiiyo xiriirka ka dhaxeeya Israa’iil iyo mucaaradka Suuriya ee ah kooxo sunniyiinta isku tagay, ma jirto cid sharraxday xiriirka -balse waxa la sharrixi karo waa inay Israa’iil dano ka leedahay sunniyiinta Suuriya, haddii ay billaabaan dagaal ka dhan ah maamulka Assad oo ay taageerayso Xisbullah, waxay Israa’iil u arkaysa arrin waxtar u leh, sabab la xiriirta dagaal ka dhaca gudaha Suuriya wuxuu dhaawacaya qorshe kasta oo dib loogu dhisi lahaa ururka Xisbullah oo muddo sannad ah la-dagaallamay Israa’iil oo ururka gaarsiisay burbur la xiriira dilalka hoggaanka sare iyo wax soosaarkooda dhinaca difaaca oo ay ugu horreeyaan gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo si weyn ay u adeegsatay Xisbullah inta ay la-dagaallamaysay Israa’iil, iyadoo markaa taageerraysa dagaalka ay iska caabinta Qasa kula jiraan Israa’iil.

Dhulka Suuriya waa halka laga dhiso awoodda Xisbullah, waa goobta uu usoo maro saadka uga imaanaya Iran, sidoo kale kaydadka ugu weyn ee Xisbullah ayaa yaalla Suuriya oo ay ku jiraan gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, dagaal ka dhaca gudaha Suuriyana wuxuu saameyn kale gaarsiinaya iskuday kasta oo ay dib ugu soo ceshen lahayd Xisbullah wax kasta oo uga lumay dagaalkii ay ku jirtay muddada sannadka ah oo daraad lagu soo gabagabeeyay xabbad-joojin ay la galeen Israa’iil. Sidoo kale, waxaa la aaminsanyahay intii uu socday dagaalkii Suuriya inay Israa’iil heshay fursad ay wax badan ku dhex gasho ururka Xisbullah oo awoodiisa oo dhan la isugu geeyay Suuriya si ay kursiga ugu ilaaliyaan Bashaar Al-Assad, inta uu dagaalka socday Israa’iil waxaa la sheegay inay si weyn u basaastay awoodda iyo qaab dhismeedka militari ee Xisbullah oo aysan jirin faggaare kale oo ay ku arki lahayd, mar kale waxay doonaysa Israa’iil inay dagaal geliso Xisbullah, taa oo ku dhici karta in la taageerro mucaaradka Suuriya si ay u weerarraan saldhigyada Xisbullah iyo ciidanka Suuriya, tana waxaa u fududeynaya Israa’iil joogitaanka Mareykanka ee waqooyiga Suuriya oo ay maamullan mucaaradka, markaa oo Mareykanka uu sirdoon iyo dhaqaale kale ku caawin karo kooxaha mucaaradka. Haddii uu dagaalka inta ka ballaarto oo cadaadis uu dareemo Assad, markaa si dhammeystiran waxaa dagaalka u geli doonta Xisbullah, waana waxa ay doonayso Israa’iil oo gudaha Suuriya ku beegsan karta handida Xisbullah, maaddama heshiis xabbad-joojin uu ka dhacay Lubnaan.

𝗛𝗮𝗱𝗱𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗱 𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝘁𝗮𝘆 𝗱𝗮𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗱𝗼𝗼𝗿𝗸𝗮 𝗨𝗸𝗿𝗮𝗶𝗻𝗲, 𝗜𝘀𝗿𝗮𝗮’𝗶𝗶𝗹 𝗶𝘆𝗼 𝗠𝗮𝗿𝗲𝘆𝗸𝗮𝗻𝗸𝗮, 𝘅𝗮𝗴𝗴𝗲𝗲 𝗸𝘂 𝗺𝗮𝗾𝗮𝗻𝘆𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗧𝘂𝗿𝗸𝗶𝗴𝗮?

Sida aan ka dharagsanahay, wuxuu Turkiga taageerraa qaar ka mid ah kooxaha mucaaradka ee Suuriya, balse sida hadda la xaqiijiyay dagaalka ay hoggaaminayaan kooxda Hayat Tahir al-Sham (HTS) illaa hadda qeyb kama aha kooxaha uu taageerro Turkiga, balse waxaa shalay la arkay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga oo ku duulaya goobaha ay la wareegeen kooxaha mucaaradka iyo aagga ay kula dagaallamayaan ciidanka Suuriya.

Isbeddelada iyo jidaha dagaalka, waxaan heli karna maalmo kale oo uu sii socdo dagaalka, mar kasta oo ay ku jiraan inay guulo gaaraan mucaaradka waa xilliga la filayo dagaal inuu sii socdo.

W/Q Iman Jamac

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shan ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab oo xukun toogasho ah lagu fuliyey

Caydiid Ali

Netanyahu oo u khudbeeyay Koongareeska Mareykanka xilli dibadbax lagu…

Cabdi Cade

Sheekh Shariif oo ka hadlay Wararka sheegaya in Musharaxiinta Mudulood isku tanaasuleen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---