Allbanaadir.com
NEWS

Boqolaal ka tirsan ciidanka Jubbaland oo isku dhiibay DF (Daawo)

Boqolaal ka tirsan Ciidanka Maamulka Jubbaland ayaa ku biiray Ciidamada dowlada Somalia ay ka dejisay degaano ka tirsan gobolka J/hoose

Ciidankan ku biiray kuwa DF ee Maamulka Jubbaland ayaa ku sugnaa Degaanka Kulbiyow waxayna ka qeyb qaadan doonaan hawlgalada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka wadaan Jubbaland.

Dayuurad kale oo ay saaran yihiin ciidamada xoogga dalka ayay maanta DF ka dejisay degaanka Raasakambooni ee koonfurta gobolka Jubada hoose.

Ciidamadan ay DF ku daabuleyso Jubada hoose ayuu ujeedkoodu yahay iney meesha ka saaraan maamulka Axmed Madoobe ee 13-kii sano ee la soo dhaafay ka ariminayey gobolkaas.

Khilaafka Axmed Madoobe iyo dowlad dhexe ayaa haatan maraya halkii ugu sareysay ka dib markii labada dhinac ay ku kala boodeen hanaanka doorashooyinka Somalia iyo kan Jubbaland oo si weyn la iskugu khilaafay.

Axmed Madoobe ayaa isku dayaya inuu mar kale siyaasad ahaan ka adkaado dowlada dhexe, hogaankiisana xajisto, halka dowlada Madaxweyne Xassan Shiikh ay dooneyso iney saarto cadaadis ugu dambeyn sababa inuu kursiga baneeyo.

HOOS KA DAAWO

Related posts

Qoorqoor oo booqday qoyska askarigii isku dhigay qaraxii uu ka badbaaday (Sawirro)

Caydiid Ali

Mid kamid ah Gobolada dalka oo laga Iibinayo Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga sare !!

Cabdi Cade

Wararkii ugu danbeyay dowladda oo war kasoo saartay go’aanka maxkamada ICJ ee dib u dhigista kiiska badda

admin
Taboola Ads ---