Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Amb. Fardowso Maxamed Qanyare ayaa maanta nuqul ka mid ah waraaqadaha danjirinimo u gudbisay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Uganda Hon. Okello Henry Oryem.
Munaasabad kooban oo maanta ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Uganda ayaa waxaa looga hadlay xariirka labada dal ee Soomaaliya iyo Uganda iyo sidii loosii xoojin lahaa.
Danjire Fardowso Maxamed Qanyare ayaa sheegtay in ay ka shaqeyn doonto xoojinta xariirka labada dal, sidoo kalena uga mahadnaqday sida wanaagsan ee dowladda Uganda mar walba u garab taagan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Soomaaliya iyo Uganda ayaa leh xariir qoto dheer oo soo jireen ah, kaasoo labada labada dowladood ka dhaxeeya.