Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynihii hore ee Puntland oo ka digay dagaal dhaxmara DFS iyo Jubbaland

Waxaan aad uga walaacsanahay wararka ku saabsan suurta-galnimada dagaal hubaysan oo ka dhaca Jubaland, kaddib markii cutubyada Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) lagu soo daabulay gobolka Jubbada Hoose iyadoo loo adeegsaday diyaarado. Soo gaaritaanka ciidamada SNA waxay ku soo aadeysaa xilli ay korortay xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa hoggaanka Jubaland iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya (FGS).

Haddii dagaal ka dhaco Jubaland, oo dhex mara ciidamada SNA ee Muqdisho laga soo diray iyo kuwa Jubaland/ciidamada maxalliga ah ee taageeraya, waxaa jira walaac weyn oo ah in Soomaaliya ku sii socoto jihada dagaallo sokeeye, rabshadaha siyaasadeed, iyo barakaca weyn ee shacabka.

Waa kan mowqifkeyga in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, uu leeyahay waajib sharci iyo mid dastuuri ah oo uu ku ilaalinayo sharciga, kana shaqeynayo wadahadalka iyo dib-u-heshiisiinta si loo xoojiyo midnimada iyo wadajirka qaranka. Si kastaba ha ahaatee, go’aanka Madaxweynaha ee ah inuu ciidan SNA u diro Jubaland xilligan xiisadaha sareeyaan waxa uu u muuqdaa isku day ah inuu xoog ku maquuniyo maamulka Jubaland haddii loo baahdo.

Saameynta Siyaasadeed ee Ka Dhalanaysa Qalalaasahan:

– Ciidamada SNA iyo kuwa Jubaland oo isku diyaarinaya inay adeegsadaan kheyraadkooda si wadajir ah oo ay uga hor tagaan argagixisada, taasoo khatar galinaysa la dagaallanka Al-Shabaab.

– Ciidamada SNA oo loo adeegsado danaha siyaasadeed, iyadoo ay dhici karto inay ka sii daraan kala qeybsanaanta siyaasadeed iyo rabshadaha gudaha dalka.

Intaa waxaa dheer, – qodobbo kale oo muhiim ah oo xiisaddan siyaasadeed la xiriira ayaa ka mid ah:

– Caqabado Dastuuri ah: Wadahadalka u dhaxeeya FGS iyo Jubaland oo si dastuuri ah u muran badan, iyadoo aysan jirin maxkamad dastuuri ah oo madax bannaan. Maxkamadda Dastuuriga ah ee Soomaaliya waxay ku guuldarreysatay inay noqoto hay’ad go’aamisa muranada dastuuriga ah, taasoo meesha ka saaraysa kalsoonida dhinacyada.

– Sharciyadda Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC): Golaha ayaa wali la kulmaya shaki ku saabsan sharciyadiisa kadib markii Jubaland iyo Puntland ka baxeen bishii Noofambar 2022. Jubaland oo ka baxday waxay sii xoojisay shaki laga qabay go’aamada golaha oo horeba u ahaa kuwo lagu muransanaa.

– Hab-dhaqanka Baarlamaanka Federaalka: Xildhibaanada Golaha Shacabka waxay meel mariyeen sharciyo ay u muuqato inaan la marin hanaan sax ah. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa xusay in fadhiyada baarlamaanka lagu qabtay iyadoo aan kormeero buuxa jirin.

Talooyinka Siyaasadeed

– Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud waa inuu joojiyaa dhammaan hawlgallada ciidan oo uu ku baaqaa wadahadal siyaasadeed oo loo dhan yahay, ka shaqeeya dib-u-heshiisiin, isla markaana ilaaliya midnimada qaran.

– Hoggaamiyayaasha Jubbaland waxay horay uga qeyb qaateen geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta gudaha, waxaana ku dhiirigelinayaa inay sii wadaan dadaallada dib-u-heshiisiinta heer maamul-goboleed ee lagu martiqaadayo dhinacyada kala duwan ee siyaasadda si miiska wadahadalka loo keeno, nabadna loo xoojiyo.

– Loo-shaqeeyayaasha caalamiga ah, oo ay ku jiraan UNSOM iyo ATMIS: Dagaalka hubaysan ee ka qarxay Jubbaland ee u dhexeeya ciidamada xoogga dalka (SNA) iyo kuwa Jubbaland/maxalliga ah wuxuu khatar weyn ku yahay himilooyinka nabadda, wuxuu dhiirigelinayaa kooxaha argagixisada ah iyagoo u leexinaya kheyraadka milateri, sidoo kale wuxuu kordhinayaa xiisadaha siyaasadeed/halista rabshadaha gobollo kale oo Soomaaliya ah. Waxaan ku boorrinayaa la-hawlgalayaasha caalamiga ah inay ka shaqeeyaan yareynta xiisadaha, cadaadisna saaraan dhammaan dhinacyada si ay ugu soo noqdaan wadahadal siyaasadeed isla markaana si degdeg ah u joojiyaan dhammaan howlgallada milateri.

Senator, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud ‘Faroole’ Madaxweynihii hore ee Puntland

Related posts

C/wali Gaas oo sanad ka dib ku wajahan Garoowe & Xog ku aadan ujeedka safarkiisa

Caydiid Ali

Diyaarad ay la socdeen in ka badan 140-ruux oo ku dhacday Wabi (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Degaan ku yaalla Mudug oo la gubay iyo Al-shabaab oo lagu eedeeyey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---