Allbanaadir.com
NEWS

Dacwad-owgaha Maxkamaddda ICC oo amray lasoo xiro Min Aung Hlaing

Madaxa dacwad oogaha Maxkamada Caalamiga ah ee Dambiyada ayaa Arbacadi ka codsaday garsoorayaasha, in ay jaraan waraan lagu soo xiro hogaamiyaha taliska militariga Myanmar, kaas oo wajahaya danbiyo ka dhan ah Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Rohinga.

Sarreeye Guuto Min Aung Hlaing, oo xukunka awood ugala wareegay hogaamiyaha la doortay ee Aung San Suu Kyi sannadki 2021, ayaa lagu eedeeyay dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada oo lagu dhibaateeyay qowmiyadda Rohingaha Barma.

Ku dhawaad hal milyan oo qof ayaa lagu qasbay in ay galan dalka ay dariska la ah Myanmar ee Bangaladesh si ay uga baxsadaan olole isir-sifeyn ahaa oo isugu jiray kufsi wadareed, dil iyo dab la qabadsiiyay guryaha.

Isagoo dib uga soo laabtay booqasho uu ku tagay xero qaxooti oo ku taal Bangladesh, ayuu dacwad oogaha ugu sareeya Maxkamadda ICC, Karim Khan uu sheegay, in uu dhawaan soo saari doono codsiyo kale oo uu maxkamadda uga dalbanayo waaranno lagu soo xirayo saraakiil kale oo ka tirsan millatariga Myanmar.

Related posts

Meydka Ganacsade Soomaaliyeed oo si xun loo dilay oo laga helay dalka Kenya

Cabdi Cade

Israel oo ashtako u gudbisay Ruushka iyo kooxda Xamaas oo Sabab u noqotay

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo dib ula wareegtay degaano dhowaan laga saaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---