Taliska Ciidanka Booliska ee gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga degmada Xamar-jajab ayaa soo xiray eedeysane, Cabdiraxmaan Maxamed Cumar oo 18 jir ah.
Eedeysane Cabdiraxmaan ayaa loo heystaa in uu ku kacay falal Anshax xumo ah oo lidi ku ah diinteena suuban iyo dhaqanka dadka Soomaaliyeed.
“Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Boliiska Xamar Jajab.ayaa soo xiray eedeysane, Cabdi raxmaan Maxamed Cumar 18 jir ah kuna eedeysan in uu ku kacay falal Anshax-Xumo oo lidi ku ah diinteena suuban iyo Dhaqanka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Booliska DF.
Ninkan ayaa la qabtay isagoo xiran dharka ama xijaabka haweenka, lamana faahfaahin sida loo qabtay iyo ujeedada uu ka lahaa falkaas.
Booliska ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsay haddii ay la kulmaan ama ay arkaan falal amaanka liddi ku ah inay la xiriiraan laamaha Amniga.