Allbanaadir.com
NEWS

DEG DEG: Jubbaland oo soo saartay amar lagu xirayo Xassan Shiikh

Jubbaland ayaa soo saartay amar soo qabasho oo  ka dhan ah Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud ka dib warqad ka soo baaxday maxkamada sare ee Maamulkaas

Madaxweyne Xassan Sheikh ayaa lagu eedeeyey Khiyaano Qaran, taageerid Argagixiso iyo cadow Soomaaliyeed sida ku xusan warqada Jubbaland.

Talaabadan yaabka leh ayaa  u muuqato mid aar gudasho ah ka dib markii maanta Maxkamada gobolka Banaadir ee dowlada Somalia ay warqad soo qabasho ah u jartay Axmed Madoobe.

Khalalaasaha siyaasadeed ee u dhexeeya DF iyo Jubbaland ayaa hadda u muuqda mid faraha ka sii baxaya iyadoo labada dhinac ay maalin walba qaadayaan talaaboooyin sii xumeynaya xiisada ka dhex aloosan.

HOOS KA AKHRISO WARQADA JUBALAND

Related posts

RW Khayre oo la kulmay safiirada Midowga Yurub u fadhiya Somalia (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xal laga gaaray Khilaafkii u dhaxeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xildhibaanada Murusade

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in Villa Somalia ay ka baxday garabka musharax Khadiijo Max’ed Diiriye?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---