Allbanaadir.com
NEWS

Fiqi oo ka hadlay talaabadii uu Maanta qaaday Baarlamanka DF

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dalku u jiheystay wadadii Dimuqraadiyadda, isagoo u mahadceliyay Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ee maanta ansixiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Fariinta Wasiirka Arrimaha Dibadda ee uu dhigay bartiisa Facebook halka hoose ka Akhriso:-

“Dalku wadadii Dimuqraadiyadda ayuu qaaday waxaana maantay albaabada Loo laabay iska daba-wareeggii, is addoonsigii, afduubkii, wax isdaba-marintii iyo hogaamiyaashii shisheeyuhu soo jiscimi jireen.

Barlamaanka Soomaaliya waa ku mahadsan yihiin talaabooyinkii isda-joogga ahaa ee ay ku ansixiyeen saddexdii sharci iyo guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha oo ay maantay ansixiyeen.

Culesysyo iyo xanuun ayay leedahay marka marxalad la soo caadaystey Laga gudbiyo oo Loo tallaabsanayo mid cusub, laakin wanaageeda waxaa la dareemi doonaa marka dadweynuhu si toos ah ay u soo doortaan madaxdooda iyo kuwa ku matalaya golayaasha barlamaanka heerarkoodu kala duwan”.

Related posts

Ra’isul Wasaare Khayre oo la kulmay danjire Antoine Sivan & xubno uu hogaaminiyey (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Cumar Xasan Al-Bashiir oo la dhigay qeybta ICU ee Isbitaalka Khartuum

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo baajiyay kulan uu la yeelan lahaa Wakiilada Beesha Caalamka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---