Allbanaadir.com
NEWS

ONLF oo ka digtay xiisada Jubbaland iyo DF

Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya ONLF ee ka dagaami jirtay degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku baaqday in la is xakameeyo oo la wada hadlo, iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha ka taagan Jubbaland ee u dhexeeya DF iyo Axmed Madoobe

Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO) ayaa walaac xooggan ka muujisay xiisadaha ka soo cusboonaaday deegaanada Jubaland, gaar ahaan agagaarka deegaanka Raas-Kanbooni kaddib markii ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya la geeyey deegaankaas, kaddibna abaabul gurmad ah oo ay sameeyeen maamul goboleedka Jubaland.

“JWXO waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah loo xakameeyo dhammaan dhinacyada si looga hortago in xaaladdu sii xumaato iskuna badasho gacan ka hadal dhiig ku daato” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay ONLF

Related posts

Muxuu yahay qorshaha DF ugu talo gashay degaanada cusub ee gacanteeda soo galay?

Caydiid Ali

Maxkamada ciidamada qalabka sida oo saaka mar kale labo nin ku fulisay xukun dil ah

Caydiid Ali

Dowlado badan oo codkooda u ballanqaaday Musharax Fowsiya Yuusuf iyo Raila oo niyad jabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---