Allbanaadir.com
NEWS

NISA oo baadigoobeysa nin qaraxyo soo galiyay magaalada Muqdisho

Qoraal kasoo baxay hay’adda nabbadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in ay baadigoobayaan nin ay ku sheegeen in uu adeegsado magaca Cabdifitaax Xuseen Ibraahim, kaa oo la sheegay un uu magaalada Muqdisho soo galiyay qaraxyo.

”NISA waxa ay ku raad joogtaa dhagar-qabaha sawirkiisu idiin muuqdo oo isticmaala magaca Cabdifitaax Xuseen Ibraahim Isaaq ,oo aan ahayn kiisa rasmiga ah, waxa uu ku eedeysan yahay in uu Qaraxyo soo galiyay Muqdisho” ayaa lagu yiri qoraalka NISA kasoo baxay.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa shacabka ka codsaday in xogta ninkan baxsadka ah lasoo wadaagaan , si looga hortago qataraha iyo qaraxyada uu maleegayo, waxa ayna NISA ballanqaaday in ay abaalmarin siin doonto ciddii keenta xogta ninkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo gargaarkii ugu badnaa u dirtay Magaalada Baladweyne (Sawirro)

Caydiid Ali

Magacyada Masuuliyiin la horkeenay Maxkamada G/Benadir & Lacagaha loo heysto

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen Wasiir Cawad & Wakiilka QM u qaabilsan Somalia? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---