Allbanaadir.com
NEWS

Ciidankii Jubbaland ee isku dhiibay DFS oo diyaarad lagu soo qaadayo lana…

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in ku dhawaad 80-askari oo katirsanaa ciidanka daraawiishta maamulka Jubbaland, oo shalay isku dhiibay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan deegaanka Raaskanbooni loo soo qaadayo magaalada Muqdisho.

Ciidankan oo kasoo baxay magaalada Kismaayo , ayaa go’aansaday in ay isku dhiibaan ciidanka dowladda Federaalka geysay magaalada Kismaayo, waxaana ciidankan laga qaaday hubkii ay wateen iyadoona la dejiyay goob gaar ah.

Dowladda Soomaaliya ayaana go’aamisay in ciidankan laga soo qaado deegaanka Raaskanbooni lana keeno magaalada Muqdisho si mar kale tababar loogu furo, waxaa sidoo kale ciidankan la sheegay in lagu dari doono diiwaanka ciidanka xoogga dalka , sidoo kale la siin doono dallacsiin iyo derajo.

Ciidankan dowladda isku dhiibay ayaa maamulka Jubbaland ugu tala galeen in ay qeyb ka noqdaan ciidanka maamulkaasi ee kahor tagaya ciidanka la keenay deegaanka Raaskanbooni, waxa ayna ciidankan dhabar jabiyeen hamihii Madaxweynaha Jubbaland.

Saraakiisha ciidankan hoggaamineysay ee sababta u ahaa in ay is dhiibaan ayaa sidoo kale loo ballanqaaday dallacsiin iyo lacago, waxaana dowladda hadda bilowday nuucyo badan ay kula dagaallameyso maamulka Axmed Madoobe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jidka Jaalle Siyaad – Waddada ugu Ciriiriga iyo dhibka badan Caasimadda Muqdisho

Cabdi Cade

Qarax bam oo caawa ka dhacay Muqdisho iyo khasaare nafeed oo ka dhashay

Caydiid Ali

Geedo Qurux badan oo lagu talaalayo Jidadka Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---