Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo ka hadashay qorshaha lagu Maxkamadeenayo Axmed Madoobe

Dowlad goboleedka Puntland , ayaa si adag uga hortimid qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ku dooneyso in lagu soo xiro Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, si maxkamad loo soo saaro loogana tuuro xilka .

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Puntland Cabdifitaax Cabdinuur , ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ciidamada DFS ay geysay deegaannada Jubbaland iyo qorshaha la doonayo in lagu maxkamadeeyo Axmed Madoobe yihiin hab-dhaqan kaligiis talisnimo iyo ku-takrifal awoodeed.

”Ciidankii  lagu soo daadiyay deegaano ka tirsan Jubbaland iyo go’aankii dowladda ee  kuna aadanaa in la maxkamadeeyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa muujinaya hab dhaqan kaligii talisnimo iyo ku takrifal awoodeed” ayuu yiri Wasiirka Madaxtooyada Puntland.

Wasiirka ayaa intaasi kusii daray tallaabooyinkan ay qaadeyso dowladda Federaalka Soomaaliya  ay khatar weyn ku ah geeddi-socodka dowlad-dhisidda ee hadda socday, waxa uuna xusay in ay ka dhalan karaan xiisado iyo colaado dhax mara qabaa’il Soomaaliyeed.

”Waa lagama maarmaan in dowladdu ay qaado tillaabooyin adag oo lagu soo celinayo rajada umadda, isla markaana si firfircoon ay dowladu kor ugu qaado ka shaqeynta midnimada dalka iyo nabadda gobolka” ayuu  yiri Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Puntland.

Dowlad goboleedka Puntland ayaa taageertay si weyna usoo dhaweysay dib u doorashada Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxa uuna hadda Madaxweynaha cusub ee Jubbaland wajahayaa cadaadis xooggan oo uga imaanaya dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in xilka qaadista Cali Jeyte Cismaan lagu bixiyey Mallaayiin Dollar?

Caydiid Ali

Saraakiil iyo askar loo xiray weerarkii lagu qaaday hotelka SYL iyo baaritaano socda

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni iyo Ben Fender oo kulan gaar ah yeeshay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---