Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Joe Biden oo ka hadlay heshiiska ay gaareen Israa’iil iyo Xisbullah

Israa’iil iyo Xisbullah ayaa Talaadadi shalay gaaray heshiis xabbad joojin ah oo dhaqan-galaya maanta oo Arbacada ah, sidaasi waxaa xaqiijiyay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Heshiiskan oo ay dhex-dhexaadiyeen dowladaha Mareykanka iyo Faransiiska, ayaa waddada u xaaraya dhammaadka colaaddi ka gaagneyd xadka Isra’il iyo Lubnan, taas oo gallaafatay nolosha kumannaan qof oo u badan Lubaniis, tan iyo sannadki hore.

Biden ayaa hadalkan kaga dhawaaqay xafiiskiisa Aqalka Cad wax yar kaddib marki ay golaha wasiirrada Isra’il dhankooda ka ansixiyeen xabbad-joojinta.
Wuxuu sheegay in uu la hadlay Ra’isul Wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu iyo Ra’iisul Wasaaraha Lubnan Najiib Miiqaati.

Sida heshiiska ku cad, dagaalka ayaa dhamaaday saakay afarti subaxnimo ee xilliga Bariga Dhexe.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay, in Israa’iil ay si tartiib tartiib ah ula bixi doonto ciidamadeeda muddo 60 maalmood ah iyadoo ciidamada Lubnaan ay la wareegayaan dhulka u dhow xadka ay la wadaagaan Israa’iil si loo hubiyo buu yiri in Xisbullah aysan dib u dhisin kaabayaasheeda aaggaasi.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo ka hadlay heshiiska ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ku sheegay, in heshiiska uu ku yimid dadaallo muddo bilo ah socday oo ay wadeen madaxda Isra’il iyo Lubnan oo kaashanaya Mareykanka.

Related posts

Shariif Xassan oo ka hadlay cida diiday safarkii uu maanta ku tegi lahaa Baydhabo

Caydiid Ali

Weerar ismiidaamin ah oo lala beegsaday Masjid ay ka socotay Salaad Janaaso

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Khayre iyo wafdi uu horkacayo oo goor dhow dalka ka dhoofay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---