Allbanaadir.com
NEWS

Xisbullah & Israel oo gaaray xabad joojin aysan ku jirin Gaza

Golaha Wasiirada ee Amniga Israel ayaa u codeeyay heshiis xabad joojin ah oo lagu soo afjarayo dagaalka ay kula jirto kooxda Xisbullah ee ka dagaalanta dalka Lubnaan, sida uu sarkaal Israa’iili ah u sheegay CNN.

Madaxweynaha Mareykanka ee xilka ka deggaya, Joe Biden  ayaa lagu wadaa gelinka dambe ee maanta waqtiga Mareykanka inuu ku dhawaaqo heshiiska xabbad-joojin ah oo ay wada oggolaadeen Israa’iil iyo Xisbullah

Heshiiskan ayaa dhaqangeli kara maalinta Arbacada ee berri , sida ay sheegtay shabakadda Axios.

Warbixinta ma sheegin heshiiska inay ku jirto Qasa, balse si cad soo jeedinta waxay ahayd mid ku eg xabbad joojinta Lubnaan, haddii ay qaadato Xisbullah heshiis xabbad-joojin ah oo aysan ku jirin Qasa, markaas Israa’iil waxay helaysaa oggolaanshihii u dambeeyay ee dhammeystirka xasuuqa ay ka wado Qasa.

Xisbulah ayaa dagaalka u soo gashay sanad ka hor si ay garab u siiso kooxaha falastiiniyiinta ee ka dagaalamaya Gaza ka dib markii weerarkii 7dii Oktoobar, waxayna hadda u muuqataa Xisbullah iney ka baxday garabka reer Gaza,

Related posts

Sidee ciidanka AMISOM ku soo galeen Somalia 10 sano ka hor? (Warbixin)

Caydiid Ali

MeelKasta oo Aadame Tagey Ayaan Darro Ayaa Laga Soo Sheegayaa!

admin

Esmond Bradley oo maydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalla Nairobi (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---