Allbanaadir.com
NEWS

Duqeymo culus oo ka dhacay bartamaha Beirut (Sawirro)

Milatariga Israel ayaa dhowr duqeymo ka geystay koonfurta Beyruut, wax yar ka dib markii ay digniino ka soo saareen 20 dhismo oo ay ku sheegeen in ay yihiin bartilmaameedyada Xisbullah ee ku yaalla duleedka koonfureed ee caasimadda Lubnaan.

Digniinaha waxaa dadka lala wadaagay maanta iyada oo loo sii mariyay baraha bulshada ee Ciidanka Difaaca Israa’iil (IDF) ee luqadda Carabiga iyo kuwa afhayeenka IDF ee Carabiga, Avichay Adraee.

Sida laga soo xigtay Adraee, dhismayaasha la beegsaday ayaa ku yaal aagagga Al-Hadath, Haret Hreik iyo Burj Al-Barajneh oo uu sheegay  inay ku xooggan yihiin kooxda Hezbollah.

IDF ayaa sheegtay in duqeymahan ay ku wajahan yihiin dhismayaal ay sheegeen in ay isticmaalaan kooxda Xisbullah. Dadka deegaanka ayaa lagu booriyay inay ka guuraan oo ay ilaashadaan masaafada ugu yaraan 500 mitir (qiyaastii 1,640 cagood) dhismayaal gaar ah oo la aqoonsaday laguna sawiray digniinaha.

Digniintii Talaadadii ayaa noqonaysa tiradii ugu badnayd ee dhismayaal laga digay oo ay IDF soo saarto hal maalin gudaheed.

Duqeymaha Israa’iil ayaa lagu dilay ugu yaraan 10 qof bartamaha Beirut, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan.

Duqeymo ka dhacay deegaanka Barbour oo ku yaalla bartamaha degmada Mazraa ee Beyruut ayaa waxaa ku dhintay saddex qof 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay wasaaraddu

Ugu yaraan toddobo qof ayaa ku dhintay dhismo afar dabaq ah oo ku yaalla bartamaha Beirut ee deegaanka Noweiri, sida ay sheegtay wasaaraddu.

Related posts

Sarkaal ka soo goostay Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Galmudug, kana hadlay…

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaare Xamse oo furay Shirka Maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Shiikh Umal oo jawaab cajiib ah ka bixiyey eedeymihii Shiikh Soomow

Caydiid Ali
Taboola Ads ---