Allbanaadir.com
NEWS

Madaale oo soo saaray awaamiir G/Banaadir looga Mamnuucay..

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya laga mamnuucay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho isticmaalka in haweenka gadaal ka raacaan mootooyinka.

Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa meel fagaare ah oo uu ka qeyb-galay isku soo bax lagu taageerayay xeerarkii doorashooyinka u sheegay dadweynaha in haweenka aysan mootooyinka labo logeeleyda ah gadaal ka fuuli karin.

“Waxaan hortiina ku mamnuuceynaa maanta gabadhii mooto Feykon ama Fespa gadaal ka raaceyso, hadii la arko gabadhana waa xarig mootadana waa lala wareegayaa” ayuu yiri Madaale.

Duqa Muqdisho wuxuu sidoo kale sheegay in ay la dagaallamayaan dad uu ku tilmaamay inay wadaan howlo aan sax aheyn.

“Kuwa dhahaya amniga Muqdisho ayaan muujineynaa oo jidka fasaadka iyo Niikada keenayo, kuwaasna waa mamnuuc” ayuu yiri.

Waxaa la yaab aheyd in xiliga uu madaale hadalkan jedinayey ay hortiisa cayaar dhaqameed iyoNiiko hortiisa ku sameynayaan haween ka qeyb galay dibed baxa.

Wuxuu kaloo u digay sida uu sheegay telefishinada iyo warbaahinta qaarkood, isagoo ku eedeeyay in ay maalgelinayaan howlahaas.

Hadalkan ayaa u muuqda in Madaale uu ula jeedo bandhig faneed habeen la hor lagu qabtay laamo ku yaalla degmada Hodan kaasoo ay soo qabanqaabisay shirkada ASTAAN oo kaashaneysa maamulka degmada Hodan,

Ma ahan markii ugu horeysay oo gobolka Banaadir soo saaro amar lagu mamnuucayo waxyaabo ay isticmaalaan dadka Muqdisho, hore ayuu gobolka u mamnuucay isticmaalka shiishada iyo Taanbuuga.

Related posts

Doorasho Qof iyo Cod ah oo saakay ka bilaabatay Puntland (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Sargaal sare oo katirsan golaha dagaalka ee Israa’iil oo kahor yimid Qorshaha Netanyahu

Cabdi Cade

Ciidamo Milatari ah oo isku bedelay Taraafiko iyo Shacabka Muqdisho oo la yaaban !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---