Ciidamo ka tirsan Maamulka Jubbaland oo doonyo laga saaray magaalada Kismaayo ayaa isku dhiibay Ciidamadii DF ay ka dejisay degaanka Raaskambooni ee gobolka Jubada Hoose.
Illaa 70 askari oo la socday doon loona diray iney la dagaalamaan ciidamada DF ka dejisay Raaskambooni ayaa la sheegay iney badda ku lumeen ka dibna ay la xiriireen ciidamada DF.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay hadda ku sugan yihiin degaanka Raaskambooni ka dib markii ay hubka ka dhigeen ciidamada dowlada ee halkaas gaaray.
Saraakiisha ciidamada DF oo Raaskambooni kula hadlay ciidanka Jubbaland ee is dhiibay ayaa u sheegay iney ku jiraan gacanta DF aysana jirin cid waxyeelo u geysanaysa.
“Qoriga aan wadano waxaan u wadanaa oo aan kula dagaalameynaa argagixisada ee maaha idinka, dhamaanteena hal cadow ayaan leenahay” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka ee la geeyey Raasmanbooni oo la hadlayey ciidamada Jubbaland.
Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu magaalada Kismaayo ka diray doonyo badan oo ay la socdaan ciidamo loo diray degaanka Raaskambooni si ay uga hor tagaan ciidamada ay DF halkaas ka dejisay oo laga cabsi qabo iney duulaan ku soo qaadaan magaalada Kismaayo.
Doonyaha la saaray ciidamada Jubaland ayaa la sheegay in qaarkood aysan weli halkaas gaaray maadaama masaafada u dhexeeya Kismaayo iyo raaskambooni ay gaareyso 270km.
Xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa ciidamada ee ka dhex aloosan dowlada Somalia iyo Axmed Madoobe ayaa ka sii daray saacadihii la soo dhaafay markii shalay Madaxweynaha Jubbaland mar kale loo doortay xilkaas doorashadaasoo ay qaadacday DF.
Golaha Wasiirada DF ayaa xalay soo saaray go’aano adag oo la xiriira Maamulka Jubbaland, iyagoo sheegay in dacwad lagu soo oogayo Axmed Madoobe lana soo taagayo maxkamad ka dib markii lagu eedeeyey inuu ku tuntay shuruucda Qaranka.
HOOS KA DAAWO CIIDAMADA IS DHIIBAY