Allbanaadir.com
NEWS

UAE oo soo bandhigtay rag loo heysto dilka nin Israeli ah

Imaaraadka Carabta ayaa soo bandhigay saddex nin oo u dhashay Uzbekistan oo ku eedeysan dilka nin Israa’iili ah oo ka dhacay Abu Dhabi maalmo ka hor kaasoo meydkiisa laga helay dhul banaan.

Raggan ayaa awooday inay ka baxaan Imaaraadka oo ay gaaraan Turkiga ka hor inta aan la oggaan, iyadoo xataa baaritaanka kiiskan ay ka dhalatay inay sirdoonka Mossad ka howlgallaan gudaha Imaaraadka.

Qabashada raggan waxaa u fududeeyay Israa’iil iyo Imaaraadka, hay’adda Sirdoonka MiT ee Turkiga oo dib ugu soo celisay raggan Imaaraadka.

Baaritaanka wuxuu la xiriira cidda raggan ay u shaqeynayeen, iyadoo waqtiga uu dilka dhacay ay Israa’iil ku eedeysay inay Iran abaabushay howlgalka inkastoo Iran ay iska fogeysay.

Related posts

Madaxweyne Ciro oo ka hadlay xasuuqii ka dhacay Dacawaley

Caydiid Ali

Maxaa sababay wada shaqeyn la’aanta ciidanka Xoogga dalka iyo AMISOM?

Caydiid Ali

Gudoomiyihii hore ee Baarlamanka Hirshabelle oo xil cusub loo magacaabay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---