Allbanaadir.com
NEWS

Dibadbax rabitaanka Xasan Sheekh lagu taageerayo oo ka dhacay Muqdisho (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb-galay isku soo bax  bulshada caasimadda Muqdisho qaarkood ay ku taageerayeen go’aankii labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku meel mariyeen xeerarkii doorashooyinka, xisbiyadda iyo guddiga doorashada iyo sohdimaha dalka.

Sidoo kale boqolaal shacab ee isugu soo baxay Taalada Daljirka Dahsoon ayaa waxa ay cod dheer ku taageereen go’aanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumada Dan-Qaran ee ah in dalka uu aaday doorasho Qof iyo Cod, si muwaadinka uu u helo xuquuqdiisa dastuuriga ah ee uu ku dooran karo madaxda dalka.

Dadkii ka hadlay dibadbaxan maamulka gobolka Banaadir soo abaabulay qarash badana ku bixiyay ayaa sheegay in ay taageerayaan in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah , lagana gudbo qabashada doorsho qof iyo cod ah.

Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale oo ka hadlay dibadbaxa ayaa shacabka ugu baaqay isku duubni iyo in lagu kalsoonaado doorasho qof iyo cod si muwaadin kasta oo codkiisa u dhiibto, isagoona caddeeyay in ay taageeraan in dalka ka dhaco doorasho qof iyo cod ah.

Related posts

Ciidamada Ruushka oo Magaalo Istaraatiiji ah kala wareegay Ukraine (Sawirro)

Caydiid Ali

Xukuumadda oo meel marisay heshiis Is-afgarad oo dhaxmaray Dowladaha Soomaaliya iyo Cuman

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Gudoonka cusub ee Golaha shacabka oo kulankii ugu horeeyey la qaatay Guddiyada joogtada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---