Allbanaadir.com
NEWS

Masuul xilka laga qaaday oo isna maanta xil ka qaadis iyo magacaabis sameeyay

Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo maamulka Jubbaland Cabdullaahi Cabdi Jaamac (Shimbir), oo shalay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland xilka ka qaaday , ayaa isna goordhaw sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis.

Guddoomiye Shimbir ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu xilka uga qaaday maareeyihii garoonka diyaaradaha degmada Garbahaarey, waxa uuna u magacaabay maareeyaha cusub ee garoonka Cabdixakiin Maxamed Cumar.

Warqada xil ka qaadista uu sameeyay guddoomiyihii hore ee gobolka ayaa lagu ogeysiiyay xil ka qaadista uu sameeyay dowladda Federaalka Soomaaliya , gaar ahaan Wasaaradaha Duulista Hawada iyo Amniga Soomaaliya, lagumana xusin maamulka Jubbaland warqadan.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo ayaa taageero ka helaya dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana maalmo kahor ninkan iyo xubno kale oo la socday loo diiday in ay ka degaan garoonka diyaaradaha Garbahaarey, kaddib ammar kasoo baxay maareeyaha garoonkaasi .

Related posts

Soomaaliya oo kursi aan joogta aheyn ku yeelaneysa Golaha Amaanka iyada oon lagula tartamin

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii isku qarxiyey degmada H/wadaag

Caydiid Ali

Trump oo ka carooday cod mar kale si qarsoodi looga duubay oo la baahiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---