Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Siciid Deni oo abaabul dagaal ka wada gobolka Bari

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay u hoyday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa halkaasi ka bilaabay shirar ku saabsan arrimaha amniga.

Madaxweyne Siciid Deni oo ku sugan xerada ciidamada PMPF ee magaalada Boosaaso ayaa sida wararku sheegayaan shirar la yeeshay saraakiisha laamaha amniga oo uu ku wargeliyay in ay u diyaar-garoobaan dagaal ka dhan ah mileeshiyaadka Daacish.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in uu saacadaha soo socda shirar la yeesho mas’uuliyiinta heer gobol iyo heer degmo kuwaasi oo uu kala hadlayo adkaynta amniga iyo u diyaar-garowga dagaalka lagu wiiqayo kooxaha argagixisada ah ee Daacish.

Mileeshiyaadka Daacish ee ku sugan buuraha CALMIS ee gobolka Bari ayaa waayadan danbe sii xoogaysanaya kadib markii ay ku biireen ajaaniib badan sida ay muujiyeen warbixino amni oo soo baxayey dhawaanahan.

 

Related posts

Australia oo faragalin ku eedeysay Iran iyo dalal kale oo saaxiib la ah

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo baaq u diray Dowlada Somalia ka dib qaraxii Ex-kontrol Afgooye

Caydiid Ali

Xog ku aadan halka la geeyay Ciidamada Xasilinta ee laga wareejiyay Koontaroolo kuyaala Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---