Madaxweynaha shalay dib loo doortay ee dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa sameeyay xil ka qaadistii iyo magacaabistii ugu horreysay, saacado yar un kaddib markii shalay shan sanno oo cusub la doortay.
Wareegto saakay oo Talaado ah uu soo saaray Madaxweynaha Jubbaland ayuu xilka uga qaaday guddoomiyihii degmada Badhaashe ee gobolka Jubadda Hoose, waxa uuna magacaabay guddoomiye cusub oo yeelan doonto degmadaasi.
Guddoomiyaha cusub ee degmada Badhaashe ayaa loo magacaabay Xasan Nuur Cabi, waxa uuna magacaabista guddoomiyahan imaanaya xilli shalay deegaanka Raaskanbooni oo hoostagta degmada Badhaashe kasoo dageen ciidamo katirsan dowladda oo kasoo horjeeda jiritaanka Axmed Madoobe.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com