Allbanaadir.com
NEWS

Dib u doorashada Trump oo xaalad cusub galisay Faransiiska iyo Ingiriiska

Wargeyska Faransiiska ah ee Le Monde ayaa maanta ku warramay dib u doorashada Trump , inay ku dhalisay Faransiiska iyo Ingiriiska inay billaabaan wada-xaajood la xiriira in awoodooda militari iyo qalabkooda ku fidiyaan dalalka Yurub , iyadoo wada-hadalka lagu soo daray sidii sare loogu qaadi lahaa qandaraaslayaasha difaaca gaarka ah ee Ukraine.

Wargeyska ma sheegin in qandaraaslayaashu loola jeedo qorshe lagu ballaarinayo tirada dagaalyahannada ka barbar dagaallamaya ciidanka Ukraine ama wax la xiriira wareejinta hubka iyo awoodsiinta ciidanka Ukraine, .

Natiijada waxay u muuqataa in Faransiiska iyo Ingiriiska ay isku diyaarinayaan inay dhabarka u ritaan ammaanka Yurub , iyadoo uu ka maqanyahay Mareykanka -mar hore ayaa tan dambe laga maqlay madaxweynaha Faransiiska.

Trump wuxuu raadinaya joojinta dagaalka, balse ma ay doonayaan reer Yurub dagaalka inuu ku dhammaado , iyadoo qeybo ka mid ah dhulka Ukraine ay ku suganyihiin ciidanka Ruushka ama uu yaalo hubka Ruushka…!

Haddii ay kugu soo dhacday Faransiiska iyo Ingiriiska ma waxay ka soo horjeesan karaan qorshaha Trump ee joojinta dagaalka , dabcan marxadan way ku adagtahay inay Yurub ka soo horjeesato Mareykanka! Maalmaha ayaase tan sharraxaad inaga siin doona..!

Related posts

Dowlad ka tirsan Yurub oo dalkooda ku celinaysa boqolaal Soomaali ah

Caydiid Ali

Bixinta Baasaboorka Soomaaliga oo hakad la geliyey iyo Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo Guddoomiyay shirka Dalalka safka hore ugu jira Dagaalka Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---