Allbanaadir.com
NEWS

Senator Ilyaas Gaboose oo beeniyey in lagu xiray Kismaayo

Senator Ilyaas bedel Gaboose oo maalmo ka hor hotel ku yaalla Magaalada Kismaayo loogu doortay Madaxweynaha Jubbaland ayaa beeniyey inuu isku dhiibay ciidamada Nabad sugida Juubaland ee ka amar qaata Axmed Madoobe.

Gaboose iyo siyaasiyiin kale ayaa waxaa maalgelinaya DF si ay u carqaladeeyaan Maamulka Axmed Madoobe isla markaana Kismaayo uga sameeyaan maamul kale oo ka barbar dhisan kan hogaamiyaha Jubbaland.

“Gurigii aan maalmo ka hor ku qabanay doorashada oo howlo badan aan ku soo qabanay ayaan ka soo tagay gurigaygii baana joogaa, wax dhibaato ah ma jirto, waana been in ciidamo ka amar qaata Axmed Madoobe ay i xireen ama aan ku jiro xabsi guri” ayuu yiri Senator Gaboose.

Doorashadii maanta Kismaayo ka dhacday ee dib loogu soo doortay Axmed Madoobe ayuu ku tilmaamay iney tahay mid aan waxba ka jirin oo sharci daro ah, wuxuuna xusay in Madaxweynaha rasmiga ah ee Jubbaland uu isagu yahay Axmed Madoobena uu xiligiisii dhamaaday.

Sidoo kale waxaa uu xusay ineysan jirin wax wadahadal ah oo dhexmaray isaga iyo Axmed Madoobe, isagoo tilmaamay in isaga ay taageersan yihiin shacabka Jubbaland iyo dowlada federaalka Somalia.

 

Related posts

Guddiga Doorashada lagu Muransan yahay oo War cusub soo saaray (Akhriso)

Cabdi Cade

Madaxweyne Erdogan oo ku dhawaaqay go’aan oo wadnaha gooyey dowlada Sweden

Caydiid Ali

Dil si weyn looga carooday oo ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---