Allbanaadir.com
NEWS

DEG DEG: DF oo Maxkamad soo taagaysa Axmad Madoobe

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa go’aan ka soo saaray Jubbaland.

Nuxurka Qaraarka Golaha Wasiirada XFS ka soo saareen Jubbaland

Qodobka 1aad: Sharciyad la’aanta xubnaha xulan iyo hogaamiyihii hore ee Jubbaland

  1. Golaha Wasiirada ee XFS waxay go’aamiyeen in xubnaha xulan ee golaha wakiilada Jubbaland iyo is-doorashada hogaamiyihii hore ee Jubbaland ay labadaba yihiin kuwa sharci darro ah.
  2. a. Golaha Wasiirada waxay go’aamiyeen in dhammaan tallaabooyinka hoos ku xusan oo loo maray doorashada sharci darrada ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland aysan waafaqsaneyn sharciga 24 ee soo baxay 31 Maarso 2024:
  • b. Magacaabista guddiga sharci darrada ah ee doorashooyinka ee uu soo xushay hogaamiyihii hore ee Jubbaland.
  • t. Hannaanka lagu soo xulay xubnaha golaha wakiilada, isaga oo isticmaalaya guddi doorasho oo sharci darro ah.
  • j. Is-doorashada guddoon baalmarsan sharciga oo uu soo xushay hogaamiyihii hore ee Jubbaland.
  • x. Is-doorashada hogaamiyihii hore ee Jubbaland.
  1. Golaha wuxuu farayaa Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya in si degdeg ah uga howlgalo horgeynta Maxkamadda Sare ee Dalka dacwad lid ku ah dhammaan tallaabooyinka aan waafaqsanayn xeerarka Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, xeerka Ururada iyo Xisbiyada siyaasadda ee uu ku kacay hogaamiyihii hore ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Afhayeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Farhan Jimale ayaa akhriyay qaraarka Golaha Wasiirrada.

HOOS KA DAAWO GO’AANKA GOLAHA WASIIRADA

Related posts

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo gaba gabeysay la tashiga Xisbiyada Dalka (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweynihii ugu Da’da weynaa Caalamka oo goordhaw geeriyooday

Cabdi Cade

Amaanka Masaajidyo kuyaala Yurub iyo Amerika oo si weyn loo adkeeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---