Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Somalia oo bilowday Sumadeynta rasaasta

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta magalada Muqdisho ku qabtey Shirweynaha Qaran ee maareynta hubka iyo rasaasta, kaasoo qayb ka ah tiirarka Istaraatijiyadda Qaran ee maareynta hubka iyo rasaasta.

Wasiirka Amniga gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Senator Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil (Fartaag) oo shirka furay ayaa sheegay Dowladda Federaalka Soomaaliya iney xoogga saarayso sidii loo xakemyn lahaa isticmaalka hubka iyo rasaasta, wuxuuna hoosta ka xariiqey iney ka mid tahay mowduucaan kuwa ugu horeeya ee u dajisan dowladda Soomaaliya.

“Si looga hortago qulqulka hubka sharci darrada ah ee dalka soo galaya, waxaan bilownay calaameynta rasaasta, iyadoo la isticmaalayo tiknoloojiyadda casriga ah” ayuu yiri

Sidoo kale Wasiirka Amniga gudaha ayaa sheegay inta uu socdo shirkan iney kaga hadli doonaan waxyaabihii sannadkan dhammaadka ah uga qabsoomey arrimaha maareynta hubka iyo rasaasta, isagoona sheegay iney sidoo kale dooddo ka geli doonaan sidii loo xakameyn lahaa hubka sharci daradda ah ee qeybo ka mid ah xaduudaha dalka la soo dhaafsiiyo.

Ku xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka Mukhtaar Maxamed Xasan oo shirka ka hadlay ayaa muujiyey siday ay xafiis ahaan uga go’an tahay xaqiijinta la-dagalanka hubka sharci darradda ah iyo calaamadeynta rasaasta.

“’Waxyaabaha ugu muhiimsan ee maanta shirka looga hadlay waxaa ka mid ah; qiimeynta qorshaha Qaran ee sannadlaha kaasoo aan ka fiirinay guulaha ay Dowladda ka gaartay iyo waxyaabihii qabsoomay’’ ayuu yiri Ku xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka Mukhtaar Maxamed Xasan.

Related posts

Xamse Barre oo uga mahadcelisay Qatar saddex dhinac oo ay ka taageerto DFS

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo iska dhega tiray digniinta Mucaaradka & Qoor-qoor oo..

Caydiid Ali

Al Shabaab oo Weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---