Xildhibaan Faarax Macalin Dawaara oo ka tirsan baarlamanka Kenya ayaa ka digay dagaalo sokeeyo oo laga huriya Jubbaland
Waxaa kale oo uu sheegay in lama huraan tahay in xiligaan la taageero Maamulka Jubbaland ee uu horkacayo Axmed Madoobe
“Xassan Shiikh iyo Raisal Wasaarihiisa tabarta darran waxay rabaan inay Soomaaliya dib ugu celiyaan mugdigii hore ee sagaashamaadkii” ayuu yiri Xildhibaan Faarax Macalin oo qoraal soo dhigay bartiisa X ee horey loo oran jiray Twitterka
“Hadda Xassan Shiikh waxa uu u xuubsiibanayaa dagaallo sokeeye oo uu ka huriya afarta gees ee Soomaaliya oo uu ka bilaabo Jubbaland. Waligay ma malaynayn in aan maalin uun aan taageeri doono Axmed Madoobe JL, laakiin hadda duruuftu waa lama huraan’ ayuu intas ku daray.
Hadalkan ayaa ku soo aaday xil xiisad culus ay ka taagan tahay degaanada Jubbaland ka dib markii degaanka Raaskambooni manta dowlada Somalia ay ka dejisay ciidamo milateri ah oo ka dhan ah Axmed Madoobe kuwaasoo laga cabsi iney dagaalo ka abuuraan gobolka Jubada hoose.
Axmed madoobe ayaa maanta dib loogo doortay doorasho uu isagu abaabulay oo ka dhacday magaalada Kismaayo taasoo ay qaadacday dowlada Somalia oo diidan hanaanka doorashada Dadban.