Jubbaland ayaa war ka soo saartay Ciidamo Militari ah oo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta diyaarado ay ka dejiyeen deegaanka Raas Kambooni oo magaalada Kismaayo dhanka Koonfur uga began qiyaastii 270-km.
War ka soo baxay ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamadan oo ah kuwa Gorgor ay halkaas u tageen sidii ay ATMIS ugala wareegi lahaayeen saldhiggaas.
Hase ahaatee Wasaarada amniga Jubbaland ayaa dowladda federaalka ku eedeeysay in ujeeddada ciidamadaasi loo geeyay halkaasi ay tahay si colaad looga huriyo gobolka, iyadoo xiriirka labada dhinac uu haatan marayo meel adag.
Qoraal ay soo saartay wasaarada ayey ku sheegtay in Ciidamadaas ay yihiin kuwo beeleed oo si sharci-daro ah ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku soo gelisay deegaanada Jubaland.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADA