Allbanaadir.com
NEWS

Jubbaland oo xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Gedo, ka dib Markii

Wasaaradda Arimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dawladda Jubbaland ayaa xilkii ka qaaday Gudoomyihii Gobolka Gedo Cabdullahi Cabdi Jaamac (Shimbir)

Qoraal ka soo baxay Wasaarada ayaa lagu sheegay in talaabadan ay ka dambeysay kadib markii lagu soo eedeeyay lunsasho Deeq uu lahaa Gobolka Gedo waxayna Wasaaradu intaas ku dartay iney baaritaan ku sameyneyso gudoomiyaha.

Talaabadan ayaa timid ka dib markii Guddoomiyaha Gobolka Gedo Cabdullahi Cabdi Jaamac Shimbir oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho uu sheegay in reer Gedo aysan Axmed Madoobe u aqoonsaneyn Madaxweyne.

Shimbir ayaa la saftay dowlada Somalia oo khilaaf adag uu kala dhexeeyo madaxweynaha Jubbland Axmed Madoobe oo maanta dib loogu doortay magaalada Kismaayo ka dib doorasho ay qaadacday DF oo halkaas lagu qabtay.

HOOS KA AKHRISO WARQADA XILKA KA QAADISTA

Related posts

Dil Argagax leh oo goordhaw ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

Cabdi Cade

Mareykanka oo shaaciyay in ay bur buriyeen diyaarado iyo gantaalo Weeraro loo isticmaali rabay

Cabdi Cade

Baarlamanka Maamulka Galmudug oo meel mariyey sharci muhiim ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---