Shabakadaha CNN iyo Al Jazeera ayaa ku warramay inuu Netanyahu oggolaaday heshiis xabbad-joojin ah oo uu la galayo Xisbullah, laakin lama bixin sharraxaada qodobbada heshiiska.
Heshiiska uu oggolaaday Netanyahu — haddii uu yahay soo jeedintii Mareykanka u gudbiyay maamulka Lubnaan, taasi waa wax aan si dhaqso ah ku dhaceyn, sabab la xiriirta in soo jeedinta ay wiiqeyso Xisbullah, oo qallinka haddii ay ku duugto ay ka dhigantahay inay ka baxayso garabka Xamaas
Hoggaanka Xisbullah ayaa ku celceliyay inaysan qaadaneyn heshiis aan sidoo kale joojineyn xasuuqa Qasa.
Dhaq-dhaqaaqa Xizbullah ee dalka Lubnaan ayaa Axaddii shalay in ka badan 250 gantaal ku ridday Israel, kuwaasoo qaarkood burburiyay guryo ku yaalla agagaarka magaalada Tel Aviv, sida ay uu xaqiijiyay milatariga Israel.
Duqeymaha Xizbullah ayaa yimid maalin kaddib marki ay Israel mid ka mid ah duqeymihi ugu cuslaa ku garaacday bartmaha magaalada Beyrut ee caasimadda Lubnan Sabtidi.
Xizbullah oo wacad ku martay in weerarki Beyruut ay uga aarguda doonto gantaallo ay ku beegsaneyso Tel Aviv, ayaa bayaan kasoo baxay ku sheegtay inay bartilmaameedsatay laba saldhig oo millatari oo ay ku yaalla Tel Aviv iyo nawaaxigeeda.
Booliska Israel ayaa sheegay in dhowr qof ay ku dhaawacmeen gantaallada Xizbullah ay ku duqeysay deegaanka Petah Tikvah ee dhaca duleedka bari ee Tel Aviv.
Milatariga Israel ayaa sheegay in ugu yaraan 250 madfac ay Xizbullah ku soo tuurtay shalay Israel, kuwaas oo ay sheegeen in qaar ka mid ah hawada lagu burburiyay, hase yeeshee inta la qaban waayay ayaa geystay khasaaro isugu jira burbur hanti iyo dhaawac. Ilaa afar qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dhaawacay.
Dhanka kale, wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in duqeynti cusleyd ee Sabtidi ay ciidanka Israel ku burburiyeen dhisme ka koobnaa sideed dabaq oo ku yaallay bartamaha Beyrut ay tirada dhimashada hadda gaarytay 29 qof.