Allbanaadir.com
NEWS

DFS oo ciidamo kumaandoos ah ka dejisay Raaskanbooni kuna sii jeeda Kismaayo

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya saakay garoon diyaaradeed oo kuyaalla magaalada Raaskanbooni ee gobolka Jubbada Hoose ka dejisay ciidamo badan oo katirsan kumaandooska Soomaaliya ee Gorgor.

Sida la xaqiijiyay ilaa saddex diyaaradood oo ay la socdaan ciidamo katirsan kumaandooska Gorgor, ayaa saakay laga dejiyay garoonka Raaskabnooni oo horey loogu tala galay in ay ka degaan kaliya diyaaradaha jaadka ka keena dalka Kenya.

Ciidamadan dowladda Soomaaliya ka dejisay magaalada Raaskabnooni oo gaaraya boqolaal askari ,ayaa waxaa hoggaaminaya sargaal hore uga tirsanaa ciidamada maamulka Jubbaland, kaa oo hadda dowladda Soomaaliya u dirtay in uu hoggaamiyo ciidanka dowladda geysay Jubbaland.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamadan laga dejiyay Raaskabnooni loogu tala galay in dhulka ka galaan magaalada Kismaayo kuna biiraan ciidanka kale ee dowladda halkaasi u joogay, lamana shaacin ilaa hadda ujeedka dowladda ciidakan u geeneyso Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo goordhaw hadlay ayaa sheegay in ay la socdaan ciidamada saakay dowladda kasoo dejisay Raaskabnooni, waxa uuna sheegay in ciidankaasi yihiin kuwa dowladda dooneyso in xasillooni darro ku abuurto ayna isaga horkeento wiilal Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn u diidan dib u doorashada Maaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo manata mar kale Madaxweyne loo doortay, waxa ayna dowladda wadaa dedaalo ay ku dooneyso in ciidamo badan ku geyso Kismaayo iyo deegaanno kale si meesha looga saaro jiritaanka maamulka Axmed Madoobe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi oo wareegto kasoo saaray soo jeedintii Odayaasha Dhaqanka Somaliland

Cabdi Cade

Dadaalka Somalia ugu jirto ka mid noqoshada ururka EAC oo heer gebogebo ah maraya

Caydiid Ali

Jadwal cusub oo loo sameeyey xiliga ay soconeyso doorashada xubnaha Golaha shacabka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---