Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo mar kale loo doortay Madaxweynaha cusub ee Jubbaland

Golaha Wakiillada dowlad goboleedka Jubbaland, ayaa goordhaw Madaxweynaha cusub ee maamulka Jubbaland u doortay  Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), kaddib doorasho natiijadeeda horey loo sii ogaa oo ka dhacday magaalada Kismaayo.

Doorashada Madaxweynaha Jubbaland waxaa kula tartamayay Axmed Madoobe saddex musharax, hasa ahaatee Axmed Madoobe ayaa helay 55 cod wareegii koobaadna , halka musharaxa kusoo xigay Feysal Maxamed Mataan  uu helay 16 cod, waxaa isna 4 cod helay Musharax Abuukar Cabdi Xasan ..

Guddoomiyaha golaha Wakiillada Jubbaland ayaana shaaciyay in doorashada ku guuleestay Axmed Madoobe oo wareegii koobaadba helay 55 codad oo ka badan intii looga baahnaa, waxa uuna sidaasi mar kale ku noqonayaa Madaxweynaha cusub ee Jubbalabd shanta sanno ee soo socota.

Magaalada Kismaayo iyo deegaanno kale oo katirsan Jubbaland waxaa durba ka bilaabatay dabaaldegyo lagu soo dhaweenayo dib u doorashada Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana meelaha qaar laga maqlayaa rasaas loo ridayo dabaaldeg ahaa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u shaacisay in aysan aqoonsan doonin dib u doorashada Axmed Madoobe, waxa uu sidoo kale dhankiisa Axmed Madoobe shaaciyay in uusan aqoonsi uga baahneyn dowladda Federaalka, balse uu aqoonsi ka rabo shacabka Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeneydii laga sii daayey afduubka Al-Shabaab oo xil sare loo Magacaabay

Caydiid Ali

Ciidanka dowladda oo Howlgal ku dilay Sargaal katirsanaa kooxda Al Shabaab Hubna la wareegay

Cabdi Cade

Dowlada Norwey oo baaq cusub kasoo saartay Doorashada Soomaaliya ka bilaabatay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---