Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan Xiddig” Jubbaland Aqoonsi ugama baahna dowladda Federaalka”

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo kamid ah siyaasiyiinta sida weyn u taageersan doorashada ka dhaceysa maanta magaalada Kismaayo, ayaa caddeeyay in maamulka Jubbaland aysan aqoonsi uga baahneyn  dowladda Federaalka .

Xiddig oo ku sugan hoolka maanta lagu dooranayo Axmed Madoobe, ayaa sheegay in Jubbaland aqoonsi uga baahan tahay shacabkeeda balse wax aqoonsi ah aysan uga baahneyn dowladda Federaalka, waxa uuna xusay in dowladda Federaalka kaliya laga rabo in ay wada shaqeeyaan Jubbaland.

”Waxaan rabaa in aan sheego aqoonsiga dowladda Jubbalaland waxaa laga rabaa shacabka reer Jubbaland, ee laakin lagama rabo dowladda Federaalka, dowladda Federaalka kaliya waxaa laga rabaa in ay wada shaqeeyaan dowladda Jubbaland ,iyo dowlad goboleedyada kale” ayuu yiri xildhibaan Xiddig.

Hoolka ay maanta ka dhaceyso dib u doorashada Axmed Madoobe waxaa ku sugan xildhibaanno badan oo katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaa oo deegaan doorashadooda tahay Jubbaland, waxa ayna xildhibnnadaasi taageero u muujinayaan Axmed Madoobe oo horey u soo saaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Qarax la doonayay in lagu dilo Sargaal Ciidan oo la Fashiliyay 

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta Safarkii ugu horeeyay uga baxaya Muqdisho

Cabdi Cade

Mid ka mid ah dowladaha Yurub oo dalkeeda ka mamnuucday luqada Turkiga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---