Allbanaadir.com
NEWS

Putin oo shaaciyey hanjabaad kale oo ka argagaxisay NATO

Ruushka waxa uu haystaa kayd gantaallo cusub oo awood leh “diyaarna u ah in la isticmaalo”, ayuu yiri madaxweyne Vladimir Putin, maalin uun ka dib markii dalkiisu gantaal cusub oo nooca riddada dheer ah ku riday magaalada Dnipro ee dalka Ukraine.

Khudbad aan horay loo sii qorsheyn oo laga sii daayay telefishinka, ayuu hoggaamiyaha Ruushka ku sheegay in gantaalka Oreshnik uu ahaa mid aan la joojin karin, wuxuuna ballan qaaday in uu sameyn doono tijaabooyin kale oo dheeraad ah.

Isticmaalka Ruushka ee gantaalka Oreshnik ayaa soo afjaray toddobaad colaadeed oo sii kordhaysay taasoo sidoo kale keentay in Ukraine ay markii ugu horreysay gantaallada Mareykanka iyo Ingiriiska ku riddo Ruushka.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ugu baaqay hogaamiyayaasha caalamka inay bixiyaan “jawaab dhab ah” si Putin uu u dareemo cawaaqibka dhabta ah ee ficilladiisa”. Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa laga maqlay baahida ay u qabaan nidaamyo difaac oo awood leh, iyadoo hadalkan uu yimid maalin kaddib markii Ruushka uu markii u horreysay gantaal riddada dhexe oo guuxiisa ka dheeraya uu ku weerarray saldhig lagu horumariyo gantaallada Ukraine.

Weerarka wuxuu ahaa midkii u horreeyay oo Ruushka uu u adeegsaday awood ka baxsan gantaallada Cruise-ka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, si dhaqso ahna Ukraine ayaa u soo bandhigtay walaaca ay ka qabto gantaallada Ruushka, laakin walaaca wuxuu yimid iyadoo wali Ruushka uusan adeegsan gantaalladiisa riddada dheer, kuwa qaada madaxyadda hubka kiimikada iyo nukliyeer midna, balse waxay ku filnaatay gantaal riddada dhexe ah inuu Ruushka ku soo bandhigo khatarta ay la kulmi karto Ukraine.

Ciidanka Ukraine ayaa lagu warramaya inay lumiyeen 40% dhulka ay kaga sugnaayeen gobolka dhulka Ruushka ee Kursk, kaddib markii ay isaga baxeen, tan oo la sheegay inay ka dhalatay cadaadis uga yimid ciidanka Ruushka oo la sheegay inay weheliyaan kumannaan ka tirsan ciidanka Kuuriyada Waqooyi, sida ay ku warrameen telefishinka France24 iyo wakaaladda wararka ee Reuters.

Xaaladan waxay wajahayaan ciidanka Ukraine, iyadoo uusan Ruushka wali billaabin howlgalka uu doonayo inuu ciidanka Ukraine uga saaro gobolka Kursk oo noqday dhulkii u horreyay ee Ruushka oo ay ciidamo shisheeye ka qabsadeen, tan iyo wixii ka dambeeyay dagaalkii labaad ee adduunka.

Isbahaysiga NATO iyo Ukraine ayaa Talaadada toddobaadkan yeelanaya kulan deg deg ah oo la sheegay in looga hadlayo khatarta gantaalka cusub ee Ruushka u adeegsaday weerar ka dhacay xarumo militari oo ku yaalla magaalada Dnipro ee bartamaha Ukraine.

Gantaalka cusub ee Ruushka adeegsaday weerarkaa ee Oreshnik, ayaa saraakiisha Ukraine waxay ku sheegeen inuu ku socday xawaare sare, isla markaana uu lahaa lix madax oo xambaari kara hubka niyukleerka, kuwaas oo midkiiba uu sii daayay lix madfac.

Related posts

Dhagarta ku duugan sababta Itoobiya u dheereyneyso Wadahadalka

Caydiid Ali

Ruushka oo Somalia soo gaarsiiyey markabkii labaad ee gargaar sida (Sawirro)

Caydiid Ali

Kooxo hubeysan oo dil u geestay ganacsade Xuseen Cadaw Maxamuud

Cabdi Cade
Taboola Ads ---