Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo sheegay inuu wadahadal la furayo DF

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu qorsheynayo in uu dib usoo celiyo wadashaqayntii ay Jubbaland la lehayd dowladda federaalka Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa hadalkan ka jeediyey ayaa khubadiisa musharraxnimo ee doorashada lagu muransan yahay ee la filayo in ay berri ka dhacdo Kismaayo

“Waxaa jir qodobo aan isku haynay, laakiin waxaan diyaar u nahay hadii aad i doorataan mudane gudoomiye iyo xildhibaano, inaan isku dayayo bal inaan dowladda federaalka ka wadashaqayno oo dib ugu soo noqono miis wadahadal,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Xiriirka Axmed Madoobe iyo DF ayaa meel xun maraya ka dib markii uu diiday inuu joojiyo doorashada dadban ee uu ku qabanayo magaalada Kismaayo iyadoo DF ay dooneyso iney doorasho qof iyo cod ah ku qabato dalka.

Doorashada lagu muransan yahay ee la filayo in ay berri ka dhacdo Kismaayo waxaa ku tartamaya Afar musharax oo kala ah Feysal Maxamed Mataan, Dr. Cabdi Xassan Xajiin, Axmed Maxamed Islaam, Abubakar Cabdi Xassan.

Related posts

Meydka Gabar yar oo si arxan daro ah loo dilay oo lagu arkay magaalada Gaalkacyo

Cabdi Cade

Xaaf oo wareegto ka soo saaray Maqaamka ay yeelaneyso Magaalada Cadaado (Akhriso)

Caydiid Ali

Ciidanka ATMIS oo shaaciyay in ay dileen xubno katirsan Al Shabaab hubna ka furteen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---