Allbanaadir.com
NEWS

Reer Galbeedka oo ka walaacsan in Ruushka kusoo qaado weerar mugdi galin kara

Dalalka galbeedka ayaa ka walaacsan in Ruushka uu ka geysto dalalka galbeedka weerarro dhinaca internetka ah oo saameyn weyn ku yeelan kara xaaladda dhaqaale iyo nolaleed ,sida ay ku warrameen BBC-da iyo wargeyska The Telegraph.

Sirdoonka galbeedka, waxay helayaan inuu diyaarinayo Ruushka weerarro uu ku burburiyo, tamarta iyo isgaarsiinta galbeedka , xilli hore Ingiriiska ayaa billaabay qorshayaasha ka hortag ee xaaladan, sida ay u sheegeen ilaha uu xigtay wargeyska Telegraph.

Sarkaal Ingiriiska ah ayaa u sheegay Telegraph, inuu Ruushka awooddo inuu mugdi geliyo Yurub , isagoo beegsanaya xargaha korontada, isgaarsiinta, isbitaallada iyo xarumaha ganacsiga. Cutubka gaarka ah ee 29155 ayaa loo badinaya inay fulin doonaan weerarradan, sida uu soo bandhigay wasiir sare oo ka tirsan xukuumadda Ingiriiska,Pat McFadden oo shirka NATO ku soo bandhigi doono xogta howlgalka Ruushka, sida ay BBC-da sheegtay.

Sirdoonka galbeedka ayaa filanaya inuu Ruushka sugayo waqtiga qaboobaha, isla waqtigaa oo la arki karo sidoo kale duullaan weyn oo Ruushka uu ku qaadi karo gudaha Ukraine iyo deegaannada ay ciidanka Ukraine ku sugan yihiin gobolka Kursk ee dhulka Ruushka.

Related posts

Tirada Haweenka Kamid noqonaya Golaha Shacabka ee laga rabo maamulada oo lasoo saaray

Cabdi Cade

Wefdi ka socda Dowlada Somalia oo gaaray dalka Hidniya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Nuqul kamid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo oo laga guddoomay Karry Andre (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---