Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska Soomaaliya oo War xasaasi ah kasoo saaray shaqaaqadii Kismaayo

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa si adag loogu cambaareeyay iska horimaadkii shalay ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland, falkaas uu ku dhintay sargaal katirsanaa ciidanka booliiska.

Taliska  ciidanka booliiska ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanno dheeraad ah oo ku saabsan sida ay u dhacday shaqaqadaasi sarkaalkaas ku nafwaayay , waxa ayna sheegeen in lala tiigsan doonaa cid kasta oo ku lug yeelata sharciga lagana qaadi doono tallaabo adag.

Warka kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in ay  ka go’an tahay sugidda nabadda iyo badbaadada bulshada. waxa ayna caddeeyeen in aan la aqbali karin in la abuuro amni daro , sidoo kale kasoo horjeedaan  cid kasta oo isku dayda inay waxyeello u geysato nabadda iyo amniga qaranka.

Iska horimaadkii shalay ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in uu dhax maray ciidamada booliiska Jubbaland iyo ciidamo ilaalo u ahaa senator mucaarad ku ah Axmed Madoobe, dowladda Soomaaliya ayaana ku eedeysay iska horimaadka in ay ka dambeeyeen ciidamada Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan Galmudug oo qaaday talaabo lagu diirsaday (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidanka dowlada oo dilay xubin ka tirsan Al-Shabaab, Mid kalena gacanta ku dhigay

Caydiid Ali

Donald Trump oo go’aan adag qaatay iskana diiday in uu ka jawaabo Su’aalo la weediiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---