Allbanaadir.com
NEWS

DFS oo tallaabo deg deg ah qaadeysa kaddib musiibadii dadka badan ku dhinteen

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay socdaan dadaalo dalka dib loogu soo celinayo muwaadiniin Soomaaliyeed , oo tahriibayaal ahaa kuwaa oo laga soo badbaadiyay biyaha dalka Jasiiradda Madagascar.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daud Aweis ayaa tacsi u diray qoysaska ay ka geeriyoodeen 22-ka ruux ee masiibadan ku dhintey, isagoo dhanka kalena xusay in 48-ka qof ee la soo badbaadiyay ay gacanta ku hayso dowladda Madagascar.

Wasiirka ayaa shir jaraa’iid oo uu ku qabtey Muqdisho ku sheegay in dowladda ay halkaa u direeyso masuuliyiin si loo xaqiijiya xaaladda muwaadiniitaa Soomaaliyeed iyo halka ay kasoo baxeen,lana hubin doono in dhammaan dadkaa ay wayeeladu gaartay ay yihiin Soomaali.

Waxa uu intaa ku daray wasiirka in dowladda ay sameeyn doonto baaritaanno.maadama wax tahriibintu ay tahay fal-dambiyeed iyo cida ku lugta leh,dhallinyarada Soomaaliyeed ayuuna kaga digay in galaan safarada sharci darada ah ay naftooda qatarta ku galinayaan.

Doon ay la socdeen tahriibayaal Soomaaliyeed oo la rumeysan yahay in ay ka baxday xeebta magaalada Mombaasa ayaa ku degtay biyaha badda Madagaskar, waxa ayna tahriibayaashan kusii jeedeen Jaziiraya Mayota, si ay halkaasi Yurub uga sii lagaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo Taabacsan Jawaari oo la sheegay in ay la wareegeen xarunta Baarlamaanka

Cabdi Cade

Milateriga Sudan & kuwa ka horjeeda ee RSF oo heshiis cusub kala saxiixday

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo shaacisay dagaalo iyo duqeymo lagu dilay Shabaabkii ugu badnaa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---