Allbanaadir.com
NEWS

Mid kamid ah Shirakadaha Isgaarsiinta oo fuliyay amar lagu mamnuucay 1Xbet

Maamul goboleedka Puntland ayaa ku amray shirkadaha isgaarsiinta ee ka jira deegaannadooda in ay mamnuucaan in telfoonnadooda laga dhax isticmaalo qamaarka xaaraanta ah ee loo yaqaan 1XBet, kaa oo dad badan oo Soomaaliyeed ceyrteeyay.

Shirkadaha isgaarsiinta ee ka howlgala deegaannada Puntland ayaa durba bilaabay hirgalinta amarka kasoo baxay maamulka, waxa ayna macaamiishooda ku wargaliyeen in la joojiyay adeegyada shirkadaha sharadka iyo khamaarka ee 1XBet.

Shirkadda isaarsiinta Golis oo kamid ah shirkadaha ugu waa weyn ee dhinaca isgaarsiinta, ayaa caddeysay in ay fulisay amarkii kasoo baxay maamulka, waxaana saakay gabi ahaan la joojiyay in ay fududeyso lacagaha khamaarka ee 1XBet.

”Waxaan ogeysiinaynaa dhammaan macaamiisheena in adeegyada shirkadaha sharadka iyo khamaarka sida 1xBet iyo kuwa la midka ah ay mamnuucday dowladda Puntland. Sidaas darteed aan lagu dhex isticmaali doonin adeegyada shirkadda Golis laga bilaabo 25 Nov 2024” ayaa lagu yiri qoraalka shirkadda.

Khamaarka 1XBet , ayaa dhibaato badan ku haya dadka Soomaaliyeed, kuwaa oo markii hore la daalaa dhacayay xaalad dhaqaaloxumo, ayaa haddana waxaa ugu sii darsantay lacagihii yaraa in dadku ku khamaaraan ayna dhigtaan 1XBet , oo xitaa lacagtii laga helo ay tahay xaaraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada caalamku aqoonsan yahay ee dalka Yemen oo dagaal looga qabsaday magaalada Cadan

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay xarun degmo oo si qurux badan loo dhisayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Booliska Muqdisho oo xabsiga dhigay Wiil & Aabihiis dhac geysanayey (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---