War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS ayaa looga hadlay khilaafka siyaasadeed ee xilligan u dhaxeeya madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland.
Taliska ciidamada ATMIS ayaana war-saxaafadeedka kasoo baxay loogu baaqay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland inay xal ka gaaraan khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya, kaa oo ka dhashay doorashada maamulka Jubbaland Kismaayo ka wadaan.
Warka kasoo baxay ATMIS ayaa sidoo kale lagu sheegay inay ka walaacsanyihiin khilaafka dowladda dhaxe iyo Jubbaland u dhaxeeya, waxa ayna ATMIS sheegeen in ay dhax dhaxaad ka yihiin khilaafka xilligan u dhaxeeya dowladda iyo maamulka Jubbaland.
Howlgalka Midawga Afrika ee ATMIS ayaa sheegay inay ugu baaqayaan saamilayda siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan dowladda Federalka ah iyo mas’uuliyiinta Jubbaland inay wada hadal ka yeeshaan khilaafka xilligan u dhaxeeya kana heshiiyaan.
War-saxaafadeedka ATMIS kasoo baxay ayaa sidoo kale lagu heegay inay ka walaacsanyihiin warar ay warbaahinta qaar baahiyeen oo lagu sheegay in ciidamadooda booliska ah ee Kismaayo jooga ay qeyb ka yihiin sugidda amniga doorashada dowladda kasoo horjeedo.
Warkan kasoo baxay taliska ciidanka nabbad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS ayaa kusoo aadaya ,xilli beri oo Isniin ah lagu wado in magaalada Kismaayo ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Jubbaland, taa oo mar kale lagu dooran doono Axmed Madoobe.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com