Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Biixi oo la kulmay guddigii maamulay doorashadii looga adkaaday

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa xalay Xafiiskiisa ku qaabiley xubnaha komishanka doorashooyinka Somaliland ee qabtay doorashadii isku sidkanayd ee axsaabta ururada, xisbiyada  iyo Madaxtooyada.

Ugu horayn Madaxweynaha Somaliland ayaa shaqadii iyo labadii doorasho ee u qabsoomay Somaliland ku amaanay shacbiga Somaliland ugana mahad celiyey inay adduunka tuseen wacdaro iyo casharo hor leh, guddidii hawsha wadayna ay ku mahadsan yihiin.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey komishanka inay ka dhabeeyeen riyadiisi ahayd in Somalilad halkiisa ka sii wado dedaalada dimuquraadiyada ku salaysan ee doorashooyinka, si ay beesha caalamka u tusaan in u bisil yahay sidii ay uga mid noqon lahaayeen dalalka caalamka ee la’aqoonsan yahay.

Dhinacooda waxa ay guddida komishanka  Madaxweynaha ku boggaadiyeen sidii milkaha iyo sharafta lahayd ee uu ula shaqeeyey, kuna garab istaagay inay qabtaan shaqada baaxadaa leh, isla markaana uu noqdo Madaxweynihii doorashada maalgeliyey bixiyeyna lacagta doorashada inteeda badan, taas oo ahayd geesinimo kale.

Ugu danbayntiina waxa uu madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi komishanka doorashooyinka  u rajeeyey shaqo wanaag iyo inay sidaasi isugu duubnaadaan inta ay shaqadan maamulkooda  hayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Qoor Qoor “Degdeg haloo soo dhiso Xukuumad maadaama muddo 45 ah dalka laheyn Xukuumad !!

admin

Maxaa ka jira in Masuulyiin ka tirsan dowlada Somalia loo xiray la shaqeynta Al-shabaab?

Caydiid Ali

Agaasimaha NISA Mahad Salaad oo Socod ku maray Suuqa Bakaaraha (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---