Allbanaadir.com
NEWS

UK oo Shaaciyay sida ay ka yeelayaan Natenyahu haddii uu dalkooda yimaado

Dowladda Ingiriiska ayaa kamid noqotay dowladaha shaaciyay in ay xiri doonaan haddii uu dalkooda cagta soo dhigo Ra’isul Wasaaraha Israa’iil Binjamin Netanyahu , kaddib waarankii soo qabashada ay u jartay maxkamadda dambiyadda adduunka ICC.

Afhayeen u hadlay xafiiska Lambar 10 ee laga xukumo dowladda Ingiriiska , ayaa sheegay in dowladooda u hoggaansami doonto sharciga ayna fulin doonaan amarkii kasoo baxay maxkamadda caalamiga ee dambiyadda ICC.

“Xukuumadda Ingiriiska waxay gudan doontaa waajibaadka ka saaran sharciga” ayuu yiri Afhayeenka u hadlay xafiiska Ra’isul Wasaaraha mar wax laga weydiiyay in ay xiri doonaan Netanyahu haddii uu dalkooda yimaado..

Dowladda Ingiriiska ayaa kamid ah dalalka xubnaha ka ah maxkamadda ICC, waxa ayna horey dowladan u saxiixday heshiis waajib ka dhigaya fullinta ammarada kasoo baxa maxkamadda, taa oo Ingiriiska waajib uga dhigeysa in ay xiraan Ra’isul Wasaaraha Israa’iil haddii uu dalkooda tago.

Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ayaa Khamiistii soo saartay amar lagu soo xirayo Netanyahu, iyo wasiirkii hore ee difaaca Israa’iil Yoav Gallant, oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ka dhacay Gaza, waxa ayna dalal badan caddeeyeen in ay xiri doonaan xubnahan haddii dalalkooda yimaadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Danjirihii Talyaaniga u fadhiyey Magaalada Kinshasa oo toogasho lagu dilay

Caydiid Ali

Puntland oo jawaab kulul ka bixisay hadalkii ka soo yeeray Wasiir Jamaal

Caydiid Ali

Daawo: Musharax Kheyre oo shaaciyay sababta uu u doonayo inuu Madaxweyne u noqdo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---