Allbanaadir.com
NEWS

Militariga Sudan oo guulo ka gaaray dagaalka kooxda RSF

Ciidanka militariga Sudan ayaa maanta ku dhawaaqay inay la wareegeen magaalada Singa ee caasimadda gobolka Sinnar ee bartamaha Suudaan halkaasoo laga saaray kooxda RSF sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua.

Militariga Suudaan, ayaa guulo muhiim ah ka gaaray duullaanka ay xoojiyeen oo ay ku gaarayaan gobollada ay gacanta ku hayaan RSF, oo hadda la kulmaysa guul-darradii ugu sarreysay ee dagaalka, kaddib markii laga qabsaday inta badan gobollada istiraatijiga ah.

Toddobaadyadii u dambeeyay ciidanka Sudan waxay ku guulaysteen inay dib u qabsadaan magaalooyinka muhiimka ah ee gobolka RSF, oo ay ku jiraan Al-Dinder, Al-Suki, iyo aagga istiraatiijiga ah ee Jebel Moya, oo ah waddo isku xirta Gezira, Niilka cad illaa gobolka Sinnar.

Ciidanka Sudan, markii ay maanta gudaha u galeen magaalada Singa dadweynaha magaalada ayaa isugu soo baxay kuwaasoo soo dhaweeyay ciidanka, iyagoo ka hadlayay gabood-fallo ay kala kulmeen RSF.

Related posts

Madaxweyne Deni oo Qaabilay Mauri Starckman iyo wafdi uu hoggaaminayay (Sawirro)

Cabdi Cade

Dal Carbeed oo haweenka u fasaxay in ay guursan karaan raga aan Muslimka aheyn

Cabdi Cade

Maxkamadda Xabsiga oo si qurux badan looga dhisay Muqdisho oo la Daah-furay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---