Allbanaadir.com
NEWS

Arrin yaab leh oo laga soo weriyey Madaxweyne Trump

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka , Donald Trump ayaa la sheegay inuu u haystay dhammaan maxaabiista ay haysay Xamaas ee Israa’iiliyiinta oo ay ku jiraan toddobo haysata dhalashada Mareykanka inay mar hore wada dhinteen

Balse markii dhawaan loo sheegay inay kala bar noolyihiin oo sirdoonka Israa’iil uu xaqiijiyay nolosha in ka badan boqol maxbuus oo ay gacanta ku hayaan Xamaas, waxay ku noqotay wax uu la yaabay Trump, sida ay sheegtay shabakadda Axios ee ka soo baxda Mareykanka.

Fikrada Trump ee maxaabiista inay wada dhinteen, waxaa la oggaaday, markii Madaxweynaha Israa’iil,  Isaac Herzog oo ugu hambalyeenaya guusha doorashada uu sidoo kale u sheegay Trump inay sugayaan sii deynta boqolka maxbuusta, markaasoo uu caddeeyay Trump inuu waligii u heystay waqti hore inay wada dhinteen maxaabiista.

Shabakadda Axios, ma sheegin sababta Trump uu u aaminay in waqti hore ay wada dhinteen maxaabiista, balse tan waxaa laga yaaba weerarrada bambooyinka culus ee Mareykanka ee Israa’iil ay ku garaacayso Qasa, inay la noqotay Trump inaysan jirin cid ka badbaaday.

Related posts

Dagaal la isku habeensaday oo ka socda duleedka degmada Maxaas (Wararkii u dambeeyey)

Caydiid Ali

Shanta Kursi ee ugu horeeya Doorashada Golaha Shacabka ee Galmudug oo la shaaciyay (Qabiilada)

Cabdi Cade

Tirinta codadka Wareega labaad oo dhamaatay (Sida codadka loo kala helay)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---