Allbanaadir.com
NEWS

Somalia oo saxiixday heshiiska caalamiga ah ee UNTOC

Wasiirka Arrimaha Dibedda, Danjire Axmed Macallim Fiqi, ayaa si rasmi ah u saxiixay heshiiska ay Soomaaliya ku biireyso Qaramada Midoobay ee ka dhanka ah Dambiyada Abaabulan ee Caalamiga ah (UNTOC) iyo heshiisyadiisa kale.

Talaabadan taariikhiga ah waxay xoojineysaa dadaalka Soomaaliya ee la dagaallanka dambiyada abaabulan ee caalamiga ah iyo kobcinta iskaashiga caalamiga ah si loo adkeeyo ammaanka caalamiga ah.

Munaasabadda saxiixa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka, Xasan Macalin, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Mudane Baashi Yuusuf Axmed, iyo sidoo kale mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Talaabadan muhiimka ah waxay u taagan tahay horumar weyn oo ku saabsan dadaalka Soomaaliya ee ku aaddan u hoggaansanaanta heerarka caalamiga ah iyo ka qayb qaadashada nabadda iyo xasilloonida adduunka.

Fiqi ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibedda ay sii wadayso dadaalka lagu xoojinayo doorka Soomaaliya ee maamulka caalamiga ah iyo kobcinta iskaashiga xooggan ee ay la leedahay beesha caalamka.

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo qaabilay Maxamed al-Sacii iyo xubno la socday (Sawirro)

Cabdi Cade

Sacuudiga oo baaraya Fadeexad soo wajahday Booliska dalkaas (Sawirro+Video)

Caydiid Ali

Galmudug oo soo saartay Ammaro cusub oo ku socda dadka kunool deegaannadeeda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---