Allbanaadir.com
NEWS

Boliiska Jubbaland oo ka hadlay iska horimaadkii Kismaayo iyo waxa sababay

Waxaa saakay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ka dhacay iska horimaad u dhaxeeyay ciidamo katirsan booliiska Jubbaland iyo ciidamo kale oo ilaalo u ahaa musharaxiin mucaarad ah.

Iska horimaadka ka dhacay magaalada Kismaayo waxaa ku dhintay darawalkii Senator Ilyaas Baddel oo kamid ah musharaxiinta mucaaradka ku ah Axmed Madoobe, waxaa sidoo ku dhaawacmay labo askari oo katirsanaa booliiska Jubbaland.

Afhayeen u hadlay booliiska Jubbaland ayaa sheegay in ciidamo daacad u ah musharaxiin mucaaradka oo watay gaari booliis oo laga shakisanaa uu rasaas kusoo furay ciidamada booliiska.

Waxa uu sheegay afhayeenka in ciidanka booliiska oo ku sugnaa bar hubin la is taajiyay gaari booliis uu qaatay talihii hore ee booliiska Jubbaland, waxa uuna xusay in gaarigaasi looga shakisanaa falal amniga liddi ku ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa iska horimaadka saakay ka dhacay magaalada Kismaayo ku eedeysay ciidamo daacad u ah Axmed Madoobe, kuwaa ay tilmaamay in ay hurinayaan colaad iyo iska horkeenid bulsho.

Related posts

Turkiga oo kordhiyey xannibaadda uu saaray diyaaradaha Ruushka ee isticmaala hawadeeda

Cabdi Cade

Maamulka Hirshabelle oo sidii la filayay Mudo kororsi sameestay iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Saraakiil katirsan Milatariga Somalia oo maanta loo qaaday dalka Turkiga (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---