Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo ka hadashay Weerarkii Kismaayo eedeyna u jeedisay Axmed Madoobe

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareysay weerar la sheegay in saaka ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ku qaadeen hotelka Agan ee degan yihiin siyaasiyiin kasoo horjeeda maamulka Axmed Madoobe.

Wasiirka Amniga Qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa cambaareeyay weerarkaasi, waxa uuna tacsi u diray dadkii ku dhintay weerarka saakay dhacay.

Wasiir Fartaag ayaa weerarka lagu qaaday hotelka ay Kismaayo ka degnaayeen siyaasiyiinta mucaaradka ku tilmaamay mid la doonayo in lagu huriyo dagaal sokeeye oo dhex mara shacabka walaalaha ah ee wada degan magaalada Kismaayo.

Waxa uu Wasiirka Amniga ku eedeeyay Axmed Madoobe in isagu masuul ka ahaa kana dambeeyay weerarka saakay lagu qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ku ah, waxa uuna xusay in Axmed Madoobe doonayo in uu abuuro colaad sukeeye iyo dhibaato bulshada dhaxdeeda ah.

Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaana uga digay ciidamada qalabka sida ee ku sugan magaalada Kismaayo in aysan qeyb ka noqon falalka guracan ee lagu kala qeybinayo bulshada Soomaaliyeed ee Jubbaland, waxa uuna ugu baaqay in ciidamada ku koobnaadaan kaliya shaqadooda sugida amniga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Cali Guudlaawe oo faahfaahin ka bixiyey khasaaraha qaraxyadii ka dhacay Baladweyne

Caydiid Ali

Soomaaliya oo loogu deeqay taageero dhaqaale oo ku dhow 14 Milyan EURO

Caydiid Ali

Xuseen Max’ed Nuur oo kulan muhiim ah la qaatay qeybaha bulshada G/Banaadir (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---