Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah yeeshay ayaa ansixiyay xeer doorashooyinka dalka uu horgeeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya.
Xeerkan doorashooyinka dalka ee la horgeeyay xildhibaannada labada Aqal waxaa u coddeeyay oo ansixiyay 169-xildhibaan, waxaa diiday labo xildhibaan oo kaliya, waxaana ka aamusay hal xildhibaan sida uu sheegay guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka guddoominayay ayaa sheegay in uu ansax yahay xeerka doorashooyinka dalka, waxa uuna xusay in kaliya markan u harsan tahay xildhibaannada in ay meel mariyaan guddiga doorashooyinka loo xilsaarayo oo la filayo in lasoo magacaabo.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cali Yuusuf (Cali Xoosh), ayaa xildhibaannada labada Aqal uga mahadceliyay ansixinta xeerka doorashooyinka dalka, waxa uuna xusay xeerkan maanta la ansixiyay in uu dalka u horseedayo in la qabto doorasho qof iyo cod ah.
Xildhibaannada labada Aqal oo dib loogu dhigay bishooda fasaxa ahaa ayaa horey u ansixiyay xeerar kala duwan oo horseedaya in la qabto doorasho qof iyo cod ah, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay ansixiyaan guddiga madaxabannaan ee dorashooyinka iyo xuduudaha dalka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com