Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Haweeney reer Galbeed ah oo lagu afduubtay dalka Kenya & Wararkii ugu dambeeyey

Saraakiisha dowlada Kenya ayaa xaqiijiyey in Haweeney Talyaani ah laga afduubtay degaanka Kalifi markii koox hubeysan ay weerareen goob laga dukaameysto oo halkaas ku taalla.

Wargeyska The Star ayaa ka xigatay laanqeyrta cas ee dalkaas in shan Nin oo Soomaali ah ay weerareen goob carruurta wax lagu baro, iyagoo halkaas ka watay Haweeney Talyaani ah.

Waxaa weerarkaas ku dhaawacmay todoba qof oo ay ku jirtay haweeney uu dhaawac halis ah soo gaaray kaddib markii ay rasaasta kaga dhacday xabadka, waxaana isbitaal ku yaalla degaanka Malindi loo diray dhaawacyada si halkaas loogu daweeyo.

Ciidamo Boolis ah oo fara badan ayaa loo daabulay degaanka Xeebta ee Kalifi, halkaasoo la sheegayo in lagu tuhmayo iney aadeen ragga Haweeneyda Talyaaniga ah afduubtay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xubnaha weerarkaas geystay ay ka tirsanyihiin Al-shabaab  inkastoo Al-shabaab illaa hadda aysan sheegan weerarkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kontaynaro caawa si qarsoodi ah looga saarayey dekeda Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble oo u duulay Kismaayo iyo Ujeedka Socdaalkiisa oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Midowga Afrika oo Go’aan ka dhan ah Milatariga maamula dalka Mali soo saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---