Allbanaadir.com
NEWS

Siyaasi kasoo horjeeda Axmed Madoobe lagu weeraray Kismaayo iyo khasaaro ka…

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland, ayaa sheegaya in goordhaw uu halkaasi iska horimaad ku dhax maray ciidamada booliiska Jubbaland iyo ciidamo kale uu watay Senator katirsan Aqalka Sare.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada Booliiska Jubbaland iyo ciidamo ilaalo u ah Senator Ilyaas Gaboose oo katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kana mid ah siyaasiyiinta sida weyn xilligan uga soo horjeeda dib u doorashada Axmed Madoobe.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo warinayaa in uu ka dhashay iska horimaaka goordhaw ka dhacay magaalada Kismaayo, waxaana dadka dhintay ku jira darawalkii Senatar Ilyaas Gaboose oo kamid ah siyaasiyiinta Jubbaland.

Xaalada aagii iska horimaadka uu ka dhacay ayaa lasoo warinayaa in ay hadda degan tahay, waxaana aagasai gaaray  ciidamo hor leh oo katirsan kuwa ammaanka maamulka Jubbaland, lamana oga ciidamada tallaabooyin hor leh oo ay qaadi doonaan.

Senator Ilyaas Gaboose oo kamid ah mucaaradka Axmed Madoobe , ayaa sheegay in uu u sharaxan yahay xilka Madaxweynaha, waxa uuna dhawaan shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho eedeymo culus ugu jeediyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal xooggan oo ka socda magaalooyin kuyaalla Itoobiya iyo garoomo diyaaradeed oo …

Cabdi Cade

Dowlad Weyn oo shaacisay iney xiriir iyo iskaashi la yeelaneyso hogaanka Taliban

Caydiid Ali

Masuul saaka laga celiyey garoonka Aadan cadde & amarkii RW Rooble oo la jebiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---